Shirkadaha Dahabshiil Group iyo garsooraha caalamiga ah ee Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis iskaashi, kaas oo garsooraha ka dhigaya Safiirka Sumcadda ee matalaya shirkadda, isagoo astaan u noqonaya hufnaan, karti, iyo heer sare oo caalami ah.
Garsoore Cumar, oo taariikhda galay isagoo noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee abid loo doorto ka-qaybgalka tartanka Koobka Adduunka ee FIFA 2026, ayaa weji rasmi ah u noqon doona Dahabshiil Group.
Shirkadda Dahabshiil ayaa iskaashigan ku tilmaantay mid si dhab ah uga tarjumaya sida ay uga go’an tahay taageeridda horumarinta ciyaaraha, dhiirrigelinta dhallinyarada, iyo kor u qaadista guulaha ay Soomaalidu ka gaarto fagaarayaasha caalamiga ah.
Tallaabadan ayaa sidoo kale lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta matalaadda iyo sumcadda Soomaaliyeed ee masraxa adduunka, isla markaana guul dhiirrigelin u ah jiilka cusub ee soo koraya.
Cumar ayaa jebiyay oodaha is-hortaagga kaddib markii uu ka mid noqday toddobada garsoore ee qaaradda Afrika ku matalaya Koobka Adduunka ee FIFA 2026.
Garsooreyaasha uu liiskan kala midka yahay waxaa ka mid ah Tom Abongile oo u dhashay Koonfur Afrika, Mustapha Ghorbal oo u dhashay Aljeeriya, Amin Mohamed, Pierre Atcho, Jalal Jayed oo u dhashay Marooko, iyo Dahane Beida.
Sidoo kale, garsoorahan reer Soomaaliya ayaa masraxa qaaradda markiisii ugu horraysay ka soo muuqday tartankii Koobka Qaramada Afrika (AFCON) ee sannadkii 2024 lagu qabtay dalka Côte d’Ivoire, halkaas oo uu si guul leh u dhex-dhexaadiyay ciyaar ka tirsanayd heerka guruubyada.
Guulihiisa dhinaca qaaradda ayaa sii lixaadsaday kaddib markii uu dhowaan noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee dhex-dhexaadiya ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Horyaalada Afrika.
Kulankaas taariikhiga ah ayaa kooxda Pyramids FC ee dalka Masar ay ku guulaysatay koobka, kaddib markii ay isku-darka labadii lugood natiijo ah 3-2 uga badisay kooxda Mamelodi Sundowns ee dalka Koonfur Afrika.




























