Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta qabtay kulankoodii caadiga ahaa ee toddobaadlaha, ayaa oggolaaday dhismaha xarunta adeegyada mideysan ee Halmeel, taas oo hoos imaanaysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Xaruntan ayaa loo xilsaaray isku dubbaridka, mideynta, habeynta iyo horumarinta adeegyada dowladda, si muwaadiniintu u helaan adeegyo kala duwan oo si isku xiran loo bixiyo.
Halmeel waxaa loogu talagalay inay fududeyso isku xirka adeegyada dowladda, hagaajinta nidaamyada adag, yareynta heerarka xafiisyada, iyo dardargelinta is-weydaarsiga xogta hay’adaha kala duwan, si shacabka looga baahiyo in ay xog isku mid ah marar badan meelo kala duwan ku bixiyaan.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu meelmariyay heshiis hoos yimaada Qaramada Midoobay ee sharciga badaha (UNCLOS), kaas oo la xiriira ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga waara ee kala duwanaanshaha noolaha badda ee meelaha aan hoos iman awoodda dowladeed (Heshiiska BBNJ).
Intii uu kulanku socday, Golaha waxaa loo soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga, dhaqaalaha iyo xaaladda wabiyada dalka, kuwaas oo ay si faahfaahsan u diyaarisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale ammaanay ciidamada qalabka sida, kadib markii warbixinta amniga ay muujisay horumar muuqda oo dhanka amniga ah, isla markaana ay si weyn hoos ugu dhaceen falalkii amni darrada guud ahaan dalka.


























