Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee xarunta dhexe ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya.
Munaasabadda daah-furka dhismaha cusub ayaa waxaa hadal-jeedin dhinacyo badan taabanaysa ka sameeyay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Wasiirka ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay in Madaxweynaha uu xarigga ka jaro xaruntan, isagoo xusay in 26 sano kaddib ay wasaaraddu yeelatay xarun casri ah oo loo qalabeeyay si heer sare ah, taas oo ku habboon baahiyaha shaqo ee wasaaradda iyo haybadda qaranka.
Wasiir Cabdulqaadir ayaa sidoo kale soo bandhigay hiigsiga wasaaradda, isagoo hoosta ka xarriiqay in qorshahoodu uu yahay in horumarin degdeg ah lagu sameeyo dhammaan kaabeyaasha dhaqaalaha ee dekadaha, marsooyinka, iyo gaadiidka badda ee guud ahaan dalka.
Wuxuu adkeeyay in yoolkaas lagu gaari doono wada-shaqayn buuxda oo lala yeesho dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalku ay ahmiyad gaar ah siinayso casriyeynta dekadaha dalka iyo horumarinta guud ee arrimaha badda.
Wuxuu xusay in xukuumaddu ay mudnaan iska siinayso sugidda amniga badaha, dhowrista kheyraadka dabiiciga ah, iyo ilaalinta bay’adda badda si jiilasha mustaqbalka loogu badbaadiyo kheyraadka baaxadda leh ee ku ceegaaga badda Soomaaliyeed.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in badda Soomaaliyeed laga dhigo laf-dhabarta koboca dhaqaale ee dalka,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo intaas ku daray in awoodda la isugu geynayo sugidda amniga badda, maareynta kheyraadka, iyo ka-hortagga xaalufinta deegaanka badda.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta wasaaradda dadaalka ay ugu jiraan horumarinta adeegyada asaasiga ah, isagoo adkeeyay in wasaaraddani ay udub-dhexaad u tahay koboca dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga badda, iyo xoojinta isku-xirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo suuqyada caalamka.























