Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah ayaa ansixiyay deeq dhaqaale oo dhan 75 milyan oo Yuuro (oo u dhiganta $80 milyan oo Doollar) taas oo la siinayo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Tallaabadan ayaa mar kale xaqiijinaysa in Midowga Yurub uu yahay deeq-bixiyaha ugu weyn ee dhinaca maaliyadda ka taageera hawlgalkan.
Dhaqaalahan cusub ayaa wadarta guud ee taageerada Midowga Yurub uu siiyay hawlgalladii is-xigxigay ee Midowga Afrika ee Soomaaliya labaatankii sano ee la soo dhaafay ka dhigaya ku dhawaad 2.8 bilyan oo Yuuro, taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay ka-qaybqaadashada xasilloonida muddada dheer ee Geeska Afrika.
Madaxa Ergada Midowga Yurub u qaabilsan Midowga Afrika, Javier Nino Perez, ayaa sheegay in tallaabadani ay fulinayso ballanqaadyadii lagu sameeyay shirkii Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee sanadkii 2025 lagu qabtay magaalada Luanda.
Wuxuu xusay in Midowga Yurub uu mar kale caddaynayo in uu yahay saaxiib lagu kalsoonaan karo oo Afrika ay leedahay, isagoo bogaadiyay dadaallada waddamada ciidamada ku deeqay, wuxuuna adkeeyay in ay muhiim tahay in la xoojiyo amniga shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka.
Dhankiisa, Midowga Afrika ayaa si weyn u soo dhaweeyay taageeradan dhaqaale. Bankole Adeoye, oo ka tirsan Guddiga Midowga Afrika, ayaa sheegay in guddigu uu si weyn u qaddarinayo deeqdan wax-ku-oolka ah ee kor loogu qaadayo hawlgallada AUSSOM.
Wuxuu tilmaamay in wada-shaqayntan joogtada ah ee u dhexaysa AU iyo EU ay muujinayso go’aankooda wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda, amniga, iyo maamul-wanaagga, isagoo dhanka kalena bogaadiyay dalalka ciidamada ku deeqay naf-hurnimada ay u sameeyeen nabadeynta Soomaaliya.
Taageeradan dhaqaale ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya wali ka jiraan caqabado dhinaca amniga ah, waxaana ay ka turjumaysaa iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Midowga Yurub iyo Midowga Afrika, kaas oo ku salaysan qaab-dhismeedka Ajandaha 2063 iyo hiigsigooda istaraatiijiyadeed ee wadajirka ah.
Dhanka kale, shir dhawaan ka dhacay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka oo looga hadlayay xaaladda dalka Suudaan, ayaa Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Kaja Kallas, waxa ay kulan doceed la yeelatay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.
Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay horumarinta dadaallada nabadda iyo amniga ee guud ahaan qaaradda Afrika iyo saameynta ay leeyihiin colaadaha caalamiga ah.
Taageerada Midowga Yurub ee AUSSOM ayaa qayb ka ah iskaashi ballaaran oo uu la leeyahay Midowga Afrika oo ku aaddan maamul-wanaagga, nabad-ilaalinta, iyo amniga, taas oo loo sii marinayo Sanduuqa Nabadda ee Yurub kaas oo tan iyo sanadkii 2021-kii abaabulay ku dhawaad 1.2 bilyan oo Yuuro oo lagu taageerayo hindisayaasha difaaca iyo amniga ee ay Afrika hoggaamiso.


























