| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Madaxweyne Isaias Afwerki oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirro cusub
Danjireyaasha fadhigoodu yahay magaalada Asmara ee waraaqaha aqoonsiga gudbiyay ayaa kala ah; Danjiraha dalka Japan, Matsuo Hideaki, iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Hindiya, Raj Kamal.
Madaxweyne Isaias Afwerki oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirro cusub
[Sawir Hore] Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. / Reuters

Madaxweynaha dalka Ereteriya, Isaias Afwerki, ayaa xarunta martida ee Denden waraaqaha aqoonsiga danjirenimo kaga guddoomay laba safiir oo fadhigoodu yahay gudaha dalkaas iyo shan safiir oo aan fadhigoodu ahayn dalkaas.

Danjireyaasha fadhigoodu yahay magaalada Asmara ee waraaqaha aqoonsiga gudbiyay ayaa kala ah; Danjiraha dalka Japan, Matsuo Hideaki, iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Hindiya, Raj Kamal.

Dhanka kale, safiirrada aan fadhigoodu ahayn dalkaas ee waraaqahooda laga guddoomay ayaa iyaguna kala ahaa; Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Brazil, Paulino Franco De Carvalho Neto, Danjiraha Jamhuuriyadda Slovakia, Marso Mitrik, Danjiraha dalka Canada, Joshua Brebner, Danjiraha Boqortooyada Thailand, Thanawat Sirikul, iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Armenia, Armen Sargsyan.

Danjireyaashan ayaa Madaxweyne Isaias Afwerki soo gaarsiiyay dhambaallo salaan iyo niyad-sami ah oo ay uga sideen madaxda iyo hoggaamiyeyaasha dalalkooda.

Waxay sidoo kale muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga laba-geesoodka ah ee u dhexeeya waddamadaas iyo dowladda Ereteriya.

Safiirka Jamhuuriyadda Hindiya, Raj Kamal, iyo dhiggiisa Canada, Joshua Brebner, ayaa si gaar ah u xusay diyaargarowga waddamadoooda ee ku aaddan xoojinta iskaashiga ay Ereteriya kala yeelanayaan qaybaha kala duwan ee horumarinta.

Sidoo kale, Danjire Brebner ayaa tilmaamay in maadaama dalka Canada uu martigeliyo muwaadiniin badan oo u dhashay Ereteriya, la filayo in la sii ambaqaado xiriirka iyo wada-shaqaynta labada dhinac.

Munaasabaddan waraaqo-gudbinta ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ereteriya, Cismaan Saalex