Cutubyo cusub oo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee booliska Soomaaliya ee loo yaqaano Haramcad ayaa tababar la xiriira la-dagaallanka argagixisada loogu soo xiray xerada milatari ee TURKSOM ee magaalada Muqdisho, taas oo qayb ka ah qorsheyaasha iskaashiga amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarkan.
Saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyay in ciidamadan la baray casharro diiradda saaraya ka-hawlgalka furimaha dagaalka iyo goobaha halista ah ee ay ku sugan yihiin kooxaha hubeysan.
Tababarka ayaa sidoo kale koobayay ka-jawaabista weerarrada degdegga ah, yareynta khasaaraha rayidka xilliyada isku-dhacyada, iyo adeegsiga hubka iyo tignoolajiyada casriga ah ee hawlgalada.
Munaasabadda qalin-jabinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka kala socotay Soomaaliya iyo Turkiga.
Waxaa dhinaca dowladda Soomaaliya ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdixakiin Eeldheer, taliye ku-xigeenkiisa iyo saraakiil kale oo ka tirsan booliska.
Sidoo kale, waxaa madasha ku sugnaa wakiilo ka socday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho iyo saraakiisha maamusha Akadeemiyadda TURKSOM oo gacanta ku haysay bixinta tababarkan.
Intii ay munaasabaddu socotay, Taliye Asad Cismaan ayaa faray ciidamada inay xirfadihii la baray ku dabaqaan shaqadooda rasmiga ah, ayna u beddelaan hawlgalo toos ah oo looga hortagayo khataraha amniga.
Tababarkan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay isku dayayso inay kordhiso tirada iyo tayada ciidamadeeda qalabka sida, si ay awood ugu yeelato la-wareegidda amniga dalka marka la gaaro xilliga ay baxayaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.
Xerada TURKSOM, oo ah saldhigga milatari ee ugu weyn ee dowladda Turkigu ku leedahay meel ka baxsan dalkeeda, ayaa udub-dhexaad u ah barnaamijka Ankara ay ku tababarto ciidamada Soomaaliya, taas oo salka ku haysa heshiisyada difaaca iyo la-dagaallanka argagixisada ee u dhexeeya labada waddan.






















