Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa soo gebagebeeyay safar shaqo oo uu ku tagay caasimadda dalka Cumaan ee Masqad, halkaas oo uu madaxda dalkaas kula soo yeeshay wadahadallo xoogga saaraya iskaashiga dhaqaalaha, maalgashiga, iyo xaaladaha siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika.
Safarkan oo muujinaya isku-dayga ay xukuumadda Muqdisho ku doonayso in ay ku soo jiidato maalgashi shisheeye, ayaa Wasiir Cabdisalaam waxa uu shirar gaar gaar ah la yeeshay madaxda sarsare ee dhaqaalaha Cumaan, oo ay ku jiraan Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga iyo Wasiirka Beeraha.
Sida ay sheegtay Waaxda Isgaarsiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, kulamadan ayaa looga gol-lahaa in la abuuro iskaashi dhinaca ganacsiga ah oo dhiirrigelinaya dhoofka xoolaha, dhismaha warshadaha kalluumeysiga, iyo horumarinta wax-soo-saarka beeraha.
Dhinaca diblomaasiyadda, xukuumadda Masqad ayaa muujisay taageerada siyaasadeed ee ay u hayso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Kulan uu Wasiir Cabdisalaam la yeeshay dhiggiisa Cumaan, Sayid Badr bin Xamad Al Busaidi, ayaa wasiirka Cumaan waxa uu sheegay in dalkiisu uu garab taagan yahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Wasiir Sayid Badr ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu aysan aqoonsan doonin maamul kasta oo ka baxsan nidaamka dowladda dhexe ee fadhigeedu yahay Muqdisho.
Intii uu ku sugnaa dalkaas, wefdiga Soomaaliya ayaa sidoo kale xarunta Wasaaradda Gaadiidka kula kulmay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Cumaan, Saciid bin Xamuud Al Maawali.
Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha gaadiidka iyo isbeddelka dhinaca tiknoolajiyadda ee Soomaaliya, si loo fududeeyo xiriirka ganacsi ee labada waddan.























