| Somali
TURKIGA
3 daqiiqo akhris
Turkiga oo wada qorshe ay carruurta ka yar 15-jirka kaga ilaalinayso baraha bulshada
Xukuumadda Ankara ayaa sheegtay in carruurta aan looga tegi doonin “naxariista hannaanka xisaabeed Algorithms”, xilli shuruuc cusub lagu beegsanayo aaladaha baraha bulshada, barnaamijyada games-ka iyo xogaha waxyeellada leh ee lagu baahiyo internetka
Turkiga oo wada qorshe ay carruurta ka yar 15-jirka kaga ilaalinayso baraha bulshada
Tallaabooyin cusub oo ku saabsan baraha bulshada, oo la diyaarinayay tan iyo 2024, ayaa qayb ka ah Qorshaha Ballaaran ee Turkiga (Sawir: AI) / TRT World

Dalka Turkiga ayaa diyaarinaya xannibaado cusub oo baaxad leh oo ku aaddan adeegsiga baraha bulshada ee carruurta ka yar 15 sano, iyadoo ujeeddaduna tahay in da’yarta laga ilaaliyo qabatinka dhijitaalka ah, xogaha halista ah, iyo khataraha dhinaca sharciga ah ee mustaqbalka fog ka dhalan kara dhaqdhaqaaqooda internetka.

Wasiirka Qoyska iyo Adeegyada Bulshada, Mahinur Ozdemir Goktas, ayaa maalintii Talaadada sheegtay in tallaabooyinkan cusub oo la soo diyaarinayay tan iyo sanadkii 2024-kii, ay qayb ka yihiin Qorshaha ballaaran ee dalkaas ee Ilaalinta iyo Xoojinta Qoyska.

Wasiir Goktas oo ka hadlaysay barnaamij ka baxay wakaaladda wararka ee Anadolu xarunteeda magaalada Ankara, ayaa xaqiijisay in xukuumaddu ay doonayso in ay dhisto jawi internet oo ammaan ah, iyadoo aan gebi ahaanba la mamnuucayn aaladaha baraha bulshada.

“Dhinaca kale, waxaan hiigsanaynaa in aan kor u qaadno wacyigelinta qoysaska ee dhinaca fahamka tiknoolajiyadda, dhanka kalena, carruurteena ugama tegi doonno naxariista hannaanka xisaabeedka (Algorithms), shirkadaha waaweyn, iyo shirkadaha tiknoolajiyadda,” ayay tiri wasiiradu.

Waxay sii raacisay: “Aad baan u ognahay in ay macaash weyn ka sameeyaan aaladahan oo ay ka dhex raadiyaan carruurteena.”

Xaqiijinta da’da, xeerarka games-ka iyo tirtiridda xogta oo la dadajinayo

Sida uu qabo sharciga qorshaysan, shirkadaha baraha bulshada waxaa lagu khasbi doonaa in ay hirgeliyaan nidaamyo lagu xaqiijinayo da’da isticmaaleyaasha ka yar 15 sano, isla markaana ay dalka u soo magacaabaan wakiillo maxalli ah haddii ay Turkiga ku leeyihiin in ka badan 1 milyan oo isticmaale.

Shirkadaha waxaa sidoo kale laga doonayaa in ay muddo hal saac gudahood ah ku tirtiraan xogaha iyo muuqaallada aan habboonayn, ciribtiraan xayeysiisyada marin-habaabinta ah, ayna xoojiyaan aaladaha u sahlaya waalidiinta in ay kormeeraan carruurtooda.

Markii ugu horreysay, barnaamijyada games-ka internetka ayaa iyaguna soo geli doona nidaamkan sharciga ah.

Shirkadaha leh in ka badan 100,000 oo macaamiil ah ayaa laga rabaa in ay wakiillo ku yeeshaan gudaha Turkiga, iyadoo cunaqabatayn la saari doono kuwa ku guuldareysta in ay u hoggaansamaan awaamiirtan.

Wasiir Goktas ayaa sheegtay in xeer-hoosaad labaad la filayo muddo lix bilood gudahood ah, ka hor inta aan la bilaabin dhaqangelinta sharcigan ee guud ahaan dalka.

“Ujeedkeennu waa in aan kormeerro oo aan carruurta u abuurno jawi internet oo aad u ammaan badan,” ayay tiri.

Digniin ku aaddan raadka dhaqdhaqaaqa internetka

Wasiirka ayaa ka digtay in carruur ay da’doodu ka yar tahay lix sano ay isticmaalayaan baraha bulshada, waxayna sheegtay in dhaqdhaqaaqooda internetka uu abuuri karo cawaaqib-xumo dhab ah waqtiyada dambe ee noloshooda.

“Sannadaha soo socda, carruurta ka yar 15 sano waxa laga yaabaa in ay wajahaan kiisas sharci oo kala duwan, kuwaas oo ka dhashay uun wixii ay ku wadaageen internetka,” ayay tiri.Waxay intaas ku dartay; “Xog ama sawir la daabacay xilli qofku uu jiray 14 sano ayaa dib u soo bixi kara marka uu gaaro 17 ama 18 sano, taas oo keeni karta natiijooyin sharci oo si weyn u saameyn kara noloshooda.”

Waxay sidoo kale farta ku fiiqday dabeecado walwal leh oo xiriir la leh games-ka, iyadoo sheegtay in carruurtu ay inta badan doortaan shakhsiyaad madow oo gacan-ka-hadal iyo hub ku xiran, kuwaas oo ay dhici karto in ay nolosha dhabta ah kaga daydaan dabeecadahaas.

Wasiir Goktas ayaa xaqiijisay in Turkiga ay sharcigan u qaabaynayso iyadoo ka duulaysa shuruuc la mid ah oo laga hirgeliyay Midowga Yurub, Australia, Faransiiska iyo Isbaanishka, iyadoo sidoo kalena la shaqaynaysa saaxiibbada caalamiga ah ee ay ku jirto hay’adda UNICEF.

Waxay carabka ku adkeysay in qoysasku ay tahay in ay xuddun u ahaadaan dadaalkan.

“Waxaan doonaynaa in ay ku dhex jiraan oo awood ku yeeshaan goobtaas, balse haddii uu yimaado qabatin, waxaan sidoo kale doonaynaa in aan ka hortagno,” ayay tiri.

“Waxaan dejinaynaa halbeeg sharciga lagu hago,” ayay hadalkeeda ku soo xirtay.

XIGASHO:TRT World and Agencies
Raadi Warar Kale
Erdogan oo ku baaqay in la xoojiyo isku-duwidda dalalka Turkida ee difaaca, AI iyo amniga internetka
Turkiga oo beeniyay eedeymo “aan sal lahayn” oo ku saabsan faragelinta siyaasadda Soomaaliya
Mareykanka iyo Iiraan oo muujiyey “rabitaan ku filan” oo lagu joojinayo dagaalka: Wasiir Fidan
Erdogan: Isbeddellada cusub waxay muujinayaan baahida xiriir dhow oo Turkiga iyo Midowga Yurub ah
Marwada Koowaad ee Turkiga Emine Erdogan oo Istanbul ku martigelisay Boqoradda Belgium Mathilde
Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay heshiiska taageerada deeqda Soomaaliya
Is-ballaarinta Israa'iil waxay khatar ku tahay nabadda gobolka: Madaxweyne Erdogan
TRT oo 62-jirsatay: Madaxweyne Erdogan oo ammaanay doorka caalamiga ah ee warbaahinta TRT
Danjireyaal cusub oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Turkiga Erdogan
Xiriirka Turkigu waa “istaraatiiji,” gobolkuna wuu ka bixi doonaa dhibaatooyinka jira: Sacuudiga
Garaadka Macmalka ah iyo kacaanka tiknoolajiyadda oo dib u qaabeynaya shaqaalaha caalamka: Erdogan
MW Erdogan oo garab istaag u muujiyay Trump kadib isku day weerar oo ka dhacay munaasabad casho
Turkiga oo ku dhawaaqay soo laabashada Formula 1 iyadoo Istanbul Park lagu daray jadwalka 2027
Turkiga oo mamnuucay isticmaalka baraha bulshada ee dhalinta ka yar 15 jirka: Badbaadada Dijitaalka
Turkiga oo ballaarinaya doorkiisa diblomaasiyadeed isagoo martigeliyay hoggaamiyeyaal caalami ah
Jabuuti: Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo madaxda kale caalamka oo u hambalyaysay Geelle
Nigeria iyo Turkiga oo ku heshiiyay qorshe iskaashi difaaca ah intii uu socday Shirka Antalya
Duran: Rajada mustaqbalka dunidu waxay ku jirtaa baaqa Turkiga ee ah “Aan wadajir dunida u dhisno”
Israa’iil amniga ayay marmarsiiyo uga dhigataa si ay dhul badan u qabsato: Wasiir Fidan
Madaxweyne Xasan Sheekh: Turkigu door weyn ayuu ka qaatay diblomaasiyadda