| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Midowga Yurub oo Booqasho Sagootin ah Ku Tagtay
Wasiirka ayaa ku ammaanay Danjire Francesca Di Mauro adeegii ay u qabatay Soomaaliya, wuxuuna ugu hambalyeeyay magacaabisteeda cusub ee Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Adeegga Waxqabadka Dibadda ee Midowga Yurub (EEAS).
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Midowga Yurub oo Booqasho Sagootin ah Ku Tagtay
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Midowga Yurub oo Booqasho Sagootin ah Ku Tagtay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Axaddii qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, oo booqasho sagootin ah ugu timid munaasabadda dhammaadka xilkeeda diblomaasiyadeed.

Wasiirka ayaa ku ammaanay Danjire Francesca Di Mauro adeegii ay u qabatay Soomaaliya, wuxuuna ugu hambalyeeyay magacaabisteeda cusub ee Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Adeegga Waxqabadka Dibadda ee Midowga Yurub (EEAS). Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay Midowga Yurub iskaashiga joogtada ah ee uu la leeyahay Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda iskaashiga, iyagoo sidoo kale isu rajeeyay guul iyo horumar doorkeeda cusub.

XIGASHO:SONNA