Ku dhowaad 600 oo qof ayaa maalmahan laga barakiciyay magaalada Kulbus iyo tuulooyinka ku hareeraysan ee gobolka Galbeedka Daarfuur ee Suudaan, iyadoo ay sii xumaanayaan xaaladaha amniga, sida ay Arbacadii sheegtay Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).
War-saxaafadeed ay soo saartay, hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ayaa sheegtay in kooxaheeda la socodka barakaca (DTM) ay qiyaaseen in 595 qof ay ka qaxeen Kulbus iyo deegaannada ku dhow intii u dhaxaysay 10-kii iyo 13-kii Luulyo, sababo la xiriira amni-darrada sii kordheysa.
Hay'addu waxay sheegtay in dadka rayidka ah ee barakacay ay magangelyo ka raadsadeen qaybo kale oo ka tirsan Kulbus, halka qaar kalena ay u gudbeen dalka dariska la ah ee Chad.
Jimcihii, Guddiyada Iska-caabbinta El Fasher ayaa ku eedeeyay Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) inay magaalada Kulbus ka geysteen dilal, cabsi gelin iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah dadka rayidka ah.
RSF ayaa Jimcihii gashay magaalada kadib dagaallo ay la gashay ciidamada Suudaan iyo kooxaha ay xulafada yihiin, kuwaas oo fariisimo ka sameystay duleedka magaalada.
29-kii Juun, ciidamada Suudaan iyo Ciidanka Wadajirka ah ayaa ku dhawaaqay inay RSF kala wareegeen magaalada Kulbus kadib dagaallo culus.
Kulbus waxay ku taallaa galbeedka fog ee Suudaan, meel u dhow xadka Chad, qiyaastii 160 kiiloomitir (100 mayl) u jirta magaalada El Geneina oo ah caasimadda gobolka Galbeedka Daarfuur.
Suudaan waxaa tan iyo Abriil 2023 ka socday dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo RSF, kadib muran ka dhashay qorshaha lagu mideynayay ciidamada RSF iyo kuwa dowladda. Dagaalka ayaa sababay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ugu daran dunida, isagoo dilay tobannaan kun oo qof isla markaana barakiciyay malaayiin kale.




















