Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Dowlad-goboleedka Jubbaland, ayaa subaxdii Khamiista fuliyay howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanka Baqdaad, oo u dhow degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka ayaa lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana lagu dilay laba hoggaamiye sare iyo 14 xubnood oo ka tirsanaa kooxda.
Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay laba hoggaamiye oo kale oo ka tirsan Al-Shabaab iyagoo nool.
Intii uu socday howlgalku, ciidamada ayaa la wareegay hub iyo qalab milatari oo ay Al-Shabaab u adeegsanaysay fulinta weerarro iyo argagixiseynta shacabka.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wadi doona howlgallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, laguna xoreynayo deegaannada ay kooxda argagixisadu weli kaga sugan tahay, si dalka oo dhan loogu soo dabaalo nabad iyo amni waara.
























