Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Nabil Fahmy, ayaa Talaadadii ku baaqay in la xoojiyo dadaallada caalamiga ah si looga hortago in magaalada Al-Obeid ee Suudaan ay gasho masiibo bani’aadannimo iyo mid amni oo ka sii daran, isagoo ku eedeeyay Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) inay beegsanayaan kaabeyaasha rayidka.
War-saxaafadeed uu soo saaray, Fahmy ayaa sheegay inuu “walaac weyn” ka qabo xaaladda sii xumaanaysa ee Al-Obeid, oo ah caasimadda gobolka Waqooyiga Kordofan.
“In ka badan 500,000 oo rayid ah, oo ay ku jiraan tobannaan kun oo barakacayaal ah, ayaa go’doon ku jira, iyagoo wajahaya weerarro joogto ah oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee RSF ku beegsanayaan suuqyada, iskuullada, isbitaallada, iyo xarumaha biyaha iyo korontada,” ayuu yiri.
Fahmy ayaa ka digay in ururinta ciidamada iyo weerarrada sii socda ee lagu hayo xaafadaha dadka deggan yihiin iyo kaabeyaasha rayidka ay halis u yihiin inay soo celiyaan tacaddiyadii ka dhacay magaalada Al-Fashir, inkastoo ay jireen digniino caalami ah oo isdaba joog ah oo muujinayay inay dhici karaan xadgudubyo culus oo gaari kara dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.
Wuxuu ku baaqay in la kordhiyo dadaallada caalamiga ah iyo kuwa gobolka si looga hortago in magaalada ay gasho masiibo bani’aadannimo iyo mid amni oo ballaaran, la soo afjaro falalka sii hurinaya colaadda, isla markaana la ilaaliyo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Suudaan.
Fahmy ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Jaamacadda Carabta ee dadaallada lagu horumarinayo hannaan siyaasadeed oo ay hoggaaminayaan shacabka Suudaan, isla markaana la dhiirrigelinayo wadahadalka u dhexeeya dhinacyada Suudaan si loo soo afjaro colaadda, loo ilaaliyo shacabka rayidka ah, loona yareeyo dhibaatada bani’aadannimo.
Wuxuu sheegay in dadaalladaas lagu wada fulinayo hannaan shan geesood ah oo ay ku mideysan yihiin Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Urur-Goboleedka IGAD.
Isniintii, Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar ku baaqaya in si degdeg ah loo baaro xadgudubyada loo geystay shacabka rayidka ah ee magaalada Al-Obeid.
Muddo ku dhow bil, RSF ayaa weerarro ay adeegsanayso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku haysay magaalada Al-Obeid, iyadoo beegsanaysa xarunta weyn ee korontada, xarumaha shidaalka iyo goobo kale oo rayid ah, taas oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca tobannaan qof.
Suudaan waxaa tan iyo Abriil 2023 ka socday dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo RSF, kadib muran ka dhashay qorshaha lagu mideynayay ciidamada dowladda iyo kuwa RSF. Colaaddan ayaa dhalisay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ugu daran dunida, iyadoo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof, isla markaana ay ku barakaceen ku dhowaad 13 milyan oo qof.




















