Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyay wada-hadallada iyo la-tashiyada siyaasadeed ee maalmahan ka socda Muqdisho, isagoo sheegay inuu rajo ka qabo in laga gaaro heshiis ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada Soomaaliyeed.
Xamsa ayaa sheegay in dowladda ay wada-hadallo la leedahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan madax hore iyo mas'uuliyiin kale, si looga wada tashado arrimaha siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda ay ka go'an tahay in arrimaha siyaasadda lagu xalliyo wada-hadal, is-afgarad iyo is-ogol, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay si toos ah u doortaan hoggaankooda.
Wuxuu soo dhoweeyay, sida uu sheegay, is-afgaradka isa soo taraya ee ku saabsan dib-u-habaynta nidaamka siyaasadda, isagoo xusay in talada dalka ay tahay inay ku soo laabato shacabka Soomaaliyeed.
Xamsa ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay sii waddo wada-hadallada si loo dhammaystiro qodobada harsan, isla markaana loo gaaro heshiis siyaasadeed oo waara.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay dowladda kala shaqeeyaan laba arrimood oo uu ku tilmaamay mudnaanta koowaad. Wuxuu sheegay in tan koowaad ay tahay in la mideeyo dadaallada lagu xoreynayo dalka lagana saarayo Al-Shabaab, si shacabka Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan.
Qodobka labaad ayuu ku sheegay difaaca midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, isagoo muujiyay rajo ah in dhinacyada siyaasadeed ay iska kaashan doonaan ilaalinta midnimada dalka.
Gabagabadii, Xamsa Cabdi Barre ayaa muujiyay rajo wanaagsan oo ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya, isagoo sheegay in inkastoo dadka qaar ay diiradda saaraan caqabadaha jira, dowladda ay aragto fursado horseedi kara xasillooni, is-afgarad siyaasadeed iyo horumar.






















