Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi, ayaa khudbad ka jeedisay Shirweynaha 9-aad ee Arrimaha Haweenka ee ka socda Islamabad, iyadoo mar kale xaqiijisay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta awood-siinta haweenka, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo horumar loo dhan yahay.
Wasiirku waxay uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Pakistan martigelinta shirka, waxayna carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Islaamka iyo bulshada caalamka si loo horumariyo xuquuqda haweenka loona dhiso bulshooyin loo dhan yahay.
Waxay iftiimisay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay kordhinta ka qaybgalka haweenka ee go’aan qaadashada, horumarinta sinnaanta jinsiga iyo hirgelinta siyaasado lagu xoojinayo caddaaladda bulshada iyo ilaalinta xuquuqaha aasaasiga ah. Al-Makhzuumi waxay sidoo kale sheegtay in dhismaha iyo hawlgelinta Guddiga Madaxa-bannaan ee Qaranka Xuquuqda Aadanaha ay tahay tallaabo taariikhi ah oo lagu xoojinayo isla xisaabtanka, ku dhaqanka sharciga iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha.
Waxay ku nuuxnuuxsatay in awood-siinta haweenku ay lama huraan u tahay nabad-dhiska, dowlad-dhiska, kobaca dhaqaalaha iyo horumar waara. Waxayna mar kale xaqiijisay sida Soomaaliya uga go’an tahay ballaarinta ka qaybgalka haweenka ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo hoggaaminta, iyadoo sidoo kale la xoojinayo iskaashiga heer gobol iyo heer caalami ee ku saabsan xuquuqda haweenka iyo xuquuqda aadanaha.



















