| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Wasiirka Gaashaandhigga oo CXDS ku Boorriyay Gelidda Heegan Sare Kahor Wajiga Xiga ee Howlgallada
Wasiirka ayaa mar kale caddeeyay sida Wasaaradda Gaashaandhigga uga go’an tahay xoojinta awoodda iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si loo adkeeyo amniga qaranka loona ilaaliyo xasilloonida dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga oo CXDS ku Boorriyay Gelidda Heegan Sare Kahor Wajiga Xiga ee Howlgallada
Wasiirka Gaashaandhigga oo Ciidamada ku Boorriyay inay Galaan Heegan Sare Kahor Wajiga Xiga ee Howlgallada

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Arbacadii booqday Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Qorilow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Intii uu booqashada ku jiray, Wasiir Fiqi ayaa ku ammaanay ciidamada dadaalkooda iyo sida ay ugu diyaar garoobeen gudashada waajibaadkooda qaran. Wuxuu ku boorriyay inay sii xoojiyaan tababarka, anshaxa iyo u diyaar-garowga hawlgallada socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa mar kale caddeeyay sida Wasaaradda Gaashaandhigga uga go’an tahay xoojinta awoodda iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si loo adkeeyo amniga qaranka loona ilaaliyo xasilloonida dalka.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ku dhiirrigeliyay ciidamada inay si buuxda uga faa’iidaystaan tababarka ay qaadanayaan, isla markaana ilaaliyaan heerka ugu sarreeya ee feejignaanta, wadajirka iyo u diyaargarowga hawlgallada, si ay ugu diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda qaran.

Taliyuhu wuxuu sheegay in ciidamada tababarka ku qaadanaya Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Qorilow ay door muhiim ah ka qaadan doonaan howlgallada soo socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay Al-Shabaab weli ka howlgaleyso. Wuxuu intaas ku daray in diyaar-garowga socda uu ujeeddadiisu tahay sii xoojinta awoodda hawlgal ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku dardargelinayaan diyaar-garowga wajiga xiga ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana lagu xoojinayo heeganka ciidamada kahor howlgallada la qorsheeyay.

XIGASHO:SONNA