| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka qeyb galay xafladda calan-saarka munaasabadda 1-da Luulyo
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan munaasabaddan qaran, isaga oo tilmaamay in 1-da Luulyo ay astaan u tahay halgankii geesinimada lahaa ee halyeeyadii Soomaaliyeed u soo galeen xorriyadda iyo midnimada.
Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka qeyb galay xafladda calan-saarka munaasabadda 1-da Luulyo
Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka qeyb galay xafladda calan-saarka munaasabadda 1-da Luulyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee calan-saarka oo lagu maamuusayay 1-da Luulyo, maalinta ku suntan xorriyaddii Gobollada Koonfureed iyo mideyntii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan munaasabaddan qaran, isaga oo tilmaamay in 1-da Luulyo ay astaan u tahay halgankii geesinimada lahaa ee halyeeyadii Soomaaliyeed u soo galeen xorriyadda, midnimada iyo dhismaha dowladnimada.

Saacaddu markii ay ahayd 12:00 habeenimo, cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah oo sharaf leh u taagay Calanka Jamhuuriyadda, iyagoo xusay 66 guuradii ka soo wareegtay markii calanka Soomaaliya markii ugu horreysay laga taagay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale xusay in jiilka maanta saaran tahay masuuliyadda sii wadista himiladii iyo halgankii ay horseedeen aasaasayaashii qaranka Soomaaliyeed.

XIGASHO:SONNA