Tirada dhimashada ee ka dhalatay dillaaca hadda socda ee cudurka Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa kor u dhaaftay 900 oo qof, sida lagu sheegay xogtii ugu dambeysay ee Isniintii ay soo saareen mas’uuliyiinta caafimaadka ee dalka.
Xogta Wasaaradda Caafimaadka ayaa muujisay in tirada kiisaska la xaqiijiyay ay gaartay 2,344, kuwaas oo ay ku jiraan 930 dhimasho ah, iyadoo uu weli socdo faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda.
Qiyaastii 724 bukaan ayaa hadda ku jira goobaha karantiilka ama isbitaallada, halka 466 qof ay ka bogsadeen cudurka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in heerka dhimashada cudurka uu kordhay oo uu gaaray 39.7%, halka heerka la socodka dadka la xiriiray bukaanada uu marayo 85.8%.
Fayrasku wuxuu saameeyay shan gobol oo kala ah Haut-Uele, Ituri, Waqooyiga Kivu, Koonfurta Kivu iyo Tshopo tan iyo markii dillaaca cudurka lagu dhawaaqay 15-kii May.
Gobolka Ituri ayaa weli ah xudunta ugu weyn ee cudurkan oo uu sababay nooca fayraska Bundibugyo, iyadoo faafitaankiisu uu weli si joogto ah uga socdo halkaas.
Xarumaha Afrika ee Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada (Africa CDC) ayaa Isniintii sheegay in howl-wadeennada safka hore, mas’uuliyiinta caafimaadka iyo bahwadaagta ay sii wadaan wada shaqeynta lagu xakameynayo dillaaca cudurka.
Yap Boum, oo ah Madaxa U Diyaargarowga iyo Ka Jawaabista Degdegga ah ee Africa CDC, ayaa fariin muuqaal ah ku sheegay in ay jirto rajo ah in “dhowr toddobaad ama bilo gudahood aan arki doonno hoos u dhac ku yimaada faafitaanka cudurka,” taas oo ay sabab u tahay dadaallada wadajirka ah ee ay wadaan dowladda iyo bahwadaagteeda.



















