| Somali
TURKIGA
1 daqiiqo akhris
Taliyaha sirdoonka Turkiga oo dhiggiisa Masar kula kulmay Ankara
Kulanka dhexmaray Ibrahim Kalin iyo Hassan Rashad ayaa looga wada hadlay xabbad-joojinta Qaza xilli ay socdaan xadgudubyada Israa’iil, xiriirka labada dal, midaynta maamullada Liibiya iyo isbeddellada Soomaaliya.
Taliyaha sirdoonka Turkiga oo dhiggiisa Masar kula kulmay Ankara
Taliyaha sirdoonka Turkiga oo dhiggiisa Masar kula kulmay Ankara

Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT), Ibrahim Kalin, ayaa magaalada Ankara kula kulmay madaxa Hay’adda Sirdoonka Guud ee Masar, Hassan Rashad.

Intii uu socday kulankaas oo dhacay maalintii Talaadada, labada dhinac waxay qiimeeyeen hannaanka wejiga labaad ee heshiiska xabbad-joojinta Qaza, iyadoo laga falcelinayo xadgudubyada sii kordhaya ee Israa’iil, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka amniga ah.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in ay sii wadaan xoojinta isku-duwidda iyo iskaashiga si looga hortago xadgudubyadaas.

Ibrahim Kalin ayaa kulanka dhexdiisa carrabka ku adkeeyay in Turkiga, sidii caadada u ahayd, uu sii wadi doono inuu garab istaago shacabka Falastiin “iyagoo adeegsanaya awooddooda oo dhan.”

Kulanka ayaa sidoo kale looga wada hadlay xiriirka laba-geesoodka ah ee labada qaran, midaynta maamullada iyo ciidamada milatariga ee bariga iyo galbeedka Liibiya si loo hoos geeyo hal maamul, iyo isbeddellada ka socda Soomaaliya.

Isku-dhacyada weli u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan iyo ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee (RSF) ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa waxyaabihii laga wada hadlay.

XIGASHO:AA