| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Turkiga oo soo qabtay xubin ka tirsan argagixisada FETO
Eedeysanahan oo ah kabtan shaqada laga ceyriyay kana tirsanaa ciidanka, ahna duuliye hore oo diyaaradaha qummaatiga u kaca ah, ayaa lagu raadinayay oggeysiiska guduudan ee Hay'adda Booliska Adduunka ee Interpol.
Turkiga oo soo qabtay xubin ka tirsan argagixisada FETO
Wasaaradda ayaa hoosta ka xariiqday in Turkigu uu sii wadi doono dagaalka adag ee uu kula jiro kooxda FETO iyo dhammaan xubnahooda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Turkiga ayaa Sabtidii sheegtay in ciidamada booliska ay soo qabteen xubin ka tirsan kooxda argagixisada ah ee FETO, kaas oo loo raadinayay isku-daygii la doonayay in lagu khaarajiyo madaxweynaha intii uu socday afgambigii dhicisoobay ee sanadkii 2016-kii.

Wasaaradda ayaa xustay in eedeysanahan oo magaciisa lagu soo gaabiyay xarfo ahaan (B.K.), uu ka tirsanaa unug ka mid ah Ururka Argagixisada ee Fetullah (FETO), kaas oo ku lug lahaa isku-daygii la doonayay in lagu khaarajiyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan magaalada Marmaris, bishii Luulyo ee sanadkii 2016-kii, xilligaas oo uu socday isku-dayga afgambiga.

Sida ay wasaaraddu sheegtay, eedeysanuhu waa kabtan ciidan oo shaqada laga ceyriyay iyo duuliye hore oo diyaaradaha qummaatiga u kaca ah, kaas oo ay si weyn u raadinaysay hay'adda Interpol iyada oo loo jaray oggeysiiska guduudan ee soo-qabashada caalamiga ah.

Laamaha sirdoonka booliska ee gobollada Afyonkarahisar iyo Eskisehir ayaa fuliyay hawlgal wadajir ah oo ay isku dubbaridday Waaxda Sirdoonka ee Agaasinka Amniga.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in hawlgalkan lagu ogaaday goobta uu ku dhuumaaleysanayay eedeysane B.K., waxaana markaas kadib gacanta ku dhigay ciidamada booliska ee qaabilsan la dagaallanka argagixisada ee gobolka Afyonkarahisar.

Wasaaradda ayaa hoosta ka xariiqday in Turkigu uu sii wadi doono dagaalka adag ee uu kula jiro kooxda FETO iyo dhammaan xubnahooda.

Isku-daygii afgambiga ee dhicisoobay sanadkii 2016-kii, kaas oo ay ku dhinteen 253 qof halka ay ku dhaawacmeen 2,734 kale, ayaa waxaa qorsheeyay islamarkaana fuliyay kooxda FETO oo uu horboodayay ninka madaxda u ah ee Fetullah Gulen.