| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
RW Xamza oo Qaabilay Ardaygii Kaalinta Koowaad ka Galay Imtixaanka Qaranka iyo Hooyadii
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Safiya ugu hambalyeeyay dadaalka iyo juhdiga ay gelisay barbaarinta wiilkeeda, isagoo ku tilmaamay inay kaalinta koowaad ka gashay hooyooyinka Soomaaliyeed
RW Xamza oo Qaabilay Ardaygii Kaalinta Koowaad ka Galay Imtixaanka Qaranka iyo Hooyadii
RW Xamza oo Qaabilay Ardaygii Kaalinta Koowaad ka Galay Imtixaanka Qaranka iyo Hooyadii / SONNA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa Isniintii xafiiskiisa ku qaabilay Hooyo Safiya Macallin Cabdulle Cumar iyo wiilkeeda Maxamed Ciise Daahir, oo kaalinta koowaad ka galay imtixaanka qaranka ee dugsiyada sare sannadkan.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Safiya ugu hambalyeeyay dadaalka iyo juhdiga ay gelisay barbaarinta wiilkeeda, isagoo ku tilmaamay inay kaalinta koowaad ka gashay hooyooyinka Soomaaliyeed, halka wiilkeeduna uu kaalinta koowaad ka galay ardayda Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in guushani ay ka dhalatay dadaalka Safiya iyo sida ay uga go’nayd waxbarashada wiilkeeda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in taageeridda iyo waxbaridda carruurtu ay mudnaan gaar ah u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo doonaysa inay dhallinyarada Soomaaliyeed ka dhex hirgeliso isbeddel ku salaysan aqoon iyo xirfad.

“Haddii tartan jiro, guushu ma sahlana. Heerkan waxaad ku gaartay dadaalka iyo adkaysiga aad muujisay iyo tarbiyadda ay ku siisay hooyadaa Safiya. Waxaan hubaa in dad badan oo haystay fursado kaa wanaagsan aad maanta ka sare martay. Tani waxay muujinaysaa dadaalka ay waalidiintu u galaan carruurtooda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Safiya ku abaalmariyay xil rasmi ah oo dowladeed, isagoo ku maamuusay kaalinteeda qiimaha leh ee hooyonimo, halka wiilkeeda Maxamed Ciise Daahir la guddoonsiiyay deeq waxbarasho oo ay dowladdu maalgelinayso, si uu wax uga barto xarunta waxbarasho ee uu doorto.

XIGASHO:SONNA