| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Wasaaradda Awqaafta oo qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan qabyo-qoraalka Xeerka Masaajidda
Mogadishu: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka JFS, ayaa furay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay qabyo-qoraalka Xeerka Masaajidda, kaas oo ay ka qayb galeen imaamyo, khadiibyo iyo maamulayaasha masaajidda.
Wasaaradda Awqaafta oo qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan qabyo-qoraalka Xeerka Masaajidda
Wasaaradda Awqaafta oo qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan qabyo-qoraalka Xeerka Masaajidda / SONNA

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Jamhuuriyada federalka Soomaaliya, Dr. Cabdinaafac Axmed Cabdullaahi, ayaa furay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay qabyo-qoraalka Xeerka Masaajidda, kaas oo ay ka qayb galeen imaamyo, khadiibyo iyo maamulayaasha masaajidda.

Kulanka ayaa looga gol lahaa in dhinacyada ay khusayso laga ururiyo aragtiyo iyo talooyin lagu dhammaystirayo qodobbada qabyo-qoraalka xeerka, ka hor inta aan loo gudbin Golaha Wasiirrada si loo ansixiyo.

Dr. Cabdinaafac ayaa bogaadiyay shaqada ay hayaan imaamyada iyo maamulayaasha masaajidda, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in masaajidda, oo ah goobo cibaado, loo maamulo si habboon oo nidaamsan.

Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in Xeerka Masaajiddu muhiim u yahay nidaaminta iyo horumarinta masaajidda dalka, isla markaana uu gacan ka geysan karo yaraynta khilaafaadka ka dhex dhasha qaar ka mid ah masaajidda. Waxa uu sheegay in xeerku si cad u qeexi doono waajibaadka iyo masuuliyadaha dhinacyada ku lugta leh maamulka masaajidda.

Waxa uu intaas ku daray in Wasaaraddu ay xoogga saarayso dejinta xeerar iyo habraacyo mideysan oo lagu hagaajinayo maamulka masaajidda, laguna kala caddeynayo waajibaadka dhinacyada kala duwan, si looga hortago khilaafaadka ka dhasha isfaham la’aanta.

Dr. Cabdinaafac ayaa sidoo kale caddeeyay in Wasaaraddu aysan doonayn inay keligeed go’aan ka gaarto arrimaha masaajidda, balse ay mudnaan siinayso wadatashiga iyo ka qaybgalka imaamyada iyo maamulayaasha. Tani ayaa looga gol-leeyahay in xeerka kama dambaysta ahi noqdo mid ka tarjumaya aragtida dhinacyada ay khusayso iyo baahiyaha jira.

Qaar ka mid ah imaamyadii ka qayb galay kulanka ayaa Wasaaradda uga mahadceliyay habka wadatashiga ah ee loo marayo diyaarinta xeerka, iyagoo muujiyay inay diyaar u yihiin inay talo iyo waqti ku biiriyaan dhammaystirkiisa.