| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Wasiirka Gaashaandhigga oo Isbitaalka Muqdisho ku Booqday Askarta Dhaawacantay
Wasiirka ayaa dhakhaatiirta iyo maamulka isbitaalka ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda caafimaad ee askarta, wuxuuna faray in la siiyo daryeel caafimaad oo dhammaystiran iyo dhammaan daaweynta lagama maarmaanka u ah soo kabashadooda.
Wasiirka Gaashaandhigga oo Isbitaalka Muqdisho ku Booqday Askarta Dhaawacantay
Wasiirka Gaashaandhigga DFS, Axmed Macallin Fiqi, oo Isbitaalka Muqdisho ku Booqday Askarta Dhaawacantay

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhaawac ah kuwaas oo lagu daweynayo Isbitaalka Madiina ee Muqdisho, kadib weerarkii toddobaadkii hore lagu qaaday saldhig ciidan oo ay Ciidanka Xoogga Dalka ku lahaayeen magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay dhakhaatiirta iyo maamulka isbitaalka oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee askarta dhaawacantay, wuxuuna faray in la siiyo daryeel caafimaad oo dhammaystiran iyo dhammaan daaweynta lagama maarmaanka u ah soo kabashadooda.

Wasiir Fiqi ayaa ku ammaanay askarta sannadihii ay u adeegayeen sugidda amniga Puntland iyo la-dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish, xilligii ay ka tirsanaayeen Ciidanka Amniga Puntland (PSF). Wuxuu sheegay in go’aankooda ay ugu biireen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay khibraddooda uga qayb qaataan amniga qaranka uusan ahayn fal dembi ah oo mudan in weerar lagu qaado.

Wuxuu carrabka ku adkeeyey in ku biirista Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay tahay xuquuq qaran oo uu leeyahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed oo doorta inuu dalkiisa u adeego, isla markaana aan loo fasiran karin tallaabo ka dhan ah koox ama maamul gaar ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale adkeeyey in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uusan colaad kala dhaxayn shacabka Soomaaliyeed ama dowlad-goboleedyada dalka, isagoo sheegay in cadowga ciidanku ay yihiin kooxaha argagixisada iyo cid kasta oo khatar ku ah amniga, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA