| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Koonfur Afrika: Dibadbaxyo looga soo horjeedo weerarrada iyo naceybka ajaanibta
Muddooyinkii u dambeeyay, kooxo ka soo horjeeda ajaanibta ayaa lagu eedeeyay inay dadka ku joojiyaan waddooyinka ama goobaha ganacsiga, kana dalbadaan inay soo bandhigaan baasaboorrada iyo dukumentiyada socdaalka
Koonfur Afrika: Dibadbaxyo looga soo horjeedo weerarrada iyo naceybka ajaanibta
Koonfur Afrika: Dibadbaxyo looga soo horjeedo weerarrada iyo naceybka ajaanibta

Boqolaal qof ayaa dibadbaxyo ka dhigay magaalooyinka Johannesburg, Pretoria, Cape Town iyo Durban, iyagoo ka soo horjeeda rabshadaha iyo naceybka loo geysto dadka ajaanibta ah ee ku nool Koonfur Afrika.

Bannaanbaxyada oo ay soo qabanqaabiyeen in ka badan 60 urur oo bulshada rayidka ah ayaa lagu dalbaday in la joojiyo beegsiga soogalootiga, isla markaana lala xisaabtamo dadka ku lugta leh rabshadaha, cago-jugleynta iyo boobka ganacsiyada ajaanibta.

Phakamile Johnny, oo ka mid ahaa dibadbaxayaasha Johannesburg, ayaa sheegay in aan la sii daawan karin weerarrada lagu hayo ajaanibta.

“Intaas waa inagu filan tahay. Ma aamusi karno annagoo daawanayna bini’aadamkeennii kale oo la weerarayo, ganacsiyadoodana la boobayo. Tani waa inay hadda joogsataa,” ayuu u sheegay Anadolu.

Thuli Nkadimeng, oo u doodda xuquuqda muhaajiriinta, ayaa iyaduna ku baaqday in lala xisaabtamo dadka ka dambeeya falalka ka dhanka ah ajaanibta.

“Waxaan doonaynaa in sharciga la horkeeno oo lala xisaabtamo dadka wada rabshadaha iyo cago-jugleynta ka dhanka ah muwaadiniinta ajnabiga ah,” ayay tiri.

Muddooyinkii u dambeeyay, kooxo ka soo horjeeda ajaanibta ayaa lagu eedeeyay inay dadka ku joojiyaan waddooyinka ama goobaha ganacsiga, kana dalbadaan inay soo bandhigaan baasaboorrada iyo dukumentiyada socdaalka. Dowladda Koonfur Afrika ayaa hore u cambaareysay tallaabooyinka noocaas ah.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa sheegay in dhibaatooyinka shaqo la'aanta, adeegyada caafimaadka, guryaha iyo dambiyada aan dusha laga saari karin muhaajiriinta, iyagoo ku baaqay in dowladda ay wax ka qabato sababaha asaasiga ah ee dhibaatooyinkaas.

Dibadbaxyadan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dowladda Koonfur Afrika ay waddo olole ka dhan ah dadka sida sharci-darrada ah dalka ku jooga.

Wasiirka Caddaaladda Mmamoloko Kubayi ayaa sheegay in 53,000 oo muhaajiriin Afrikaan ah dib loogu celiyay dalalkooda, kuwaas oo isugu jira dad iskood u laabtay iyo kuwo la tarxiilay.