| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
SoDMA iyo Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Ka Wada Hadlay U Diyaargarowga Super El Niño
Kulanka, oo ka dhacay xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bini’aadantinimo ee dalka iyo diyaar-garowga fatahaadaha suurtagalka ah iyo saameynta kale ee ka dhalan karta roobabka culus ee la saadaaliyey.
SoDMA iyo Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Ka Wada Hadlay U Diyaargarowga Super El Niño
SoDMA iyo Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Ka Wada Hadlay U Diyaargarowga Super El Niño

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Talaadadii la kulmay Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji (Qaloombi), si ay uga wada hadlaan u diyaargarowga bini’aadantinimo ee saameynta la filayo inay ka dhalato Super El Niño.

Kulanka, oo ka dhacay xarunta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bini’aadantinimo ee dalka iyo diyaar-garowga fatahaadaha suurtagalka ah iyo saameynta kale ee ka dhalan karta roobabka culus ee la saadaaliyey.

Labada dhinac ayaa isku raacay in Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka qaataan gurmadka degdegga ah iyo howlaha samatabbixinta, iyadoo Ciidanka Cirku gacan ka geysan doono gaarsiinta gargaarka, ururinta xogta iyo qiimeynta xaaladaha dhulka iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ku ammaanay Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta isku-duwidda iyo u diyaargarowga hay’adaha dowladda si si hufan looga hortago loogana jawaabo saameynta la filayo ee Super El Niño, loona badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah.

XIGASHO:SONNA