Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalku u baahan yahay inuu si weyn u yareeyo ku-tiirsanaanta cuntada dibadda laga keeno, xilli qiyaastii 75% baahida cuntada Soomaaliya lagu daboolo wax-soo-dejin, halka 25% oo keliya gudaha dalka laga soo saaro.
Isagoo ka hadlayay madal qaran oo diiradda lagu saaray maalgashiga beeraha iyo cuntada, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Soomaaliya sannadkii 2025 dibadda ka soo dhoofsaday cunto qiimaheedu gaarayo $2.2 bilyan, taas oo uu ku tilmaamay xaalad aan waarta ahayn marka la eego awoodda wax-soo-saar ee dalka.
Wuxuu sheegay in lacag kasta oo adag oo dibadda loogu diro soo dejinta cuntada ay tahay lacag ka baxaysa dhaqaalaha gudaha, halka haddii wax-soo-saarkaas lagu sameeyo dalka ay lacagtaasi dhex wareegi lahayd beeraleyda, gaadiidleyda, warshadleyda, ganacsatada iyo qoysaska Soomaaliyeed.
Waxa uu ku baaqay in Soomaaliya “beerato waxa ay hadda soo dhoofsato”, isla markaana ay yareyso dhoofinta wax-soo-saarka beeraha isagoo cayriin ah, beddelkeedana gudaha lagu farsameeyo si qiime loogu kordhiyo.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in beeruhu aysan ahayn oo keliya il cunto, balse ay saldhig u yihiin shaqo-abuurka, dhoofinta, horumarinta miyiga, dhimista ku-tiirsanaanta dibadda iyo kobaca dhaqaalaha.
Soomaaliya, ayuu sheegay, waxay leedahay malaayiin hektar oo dhul ku habboon beerashada iyo kheyraad biyo oo ay ka mid yihiin webiyo iyo biyo dhulka hoostiisa ah, hase yeeshee qayb yar oo ka mid ah awooddaas ayaa maanta la isticmaalaa. Sida uu sheegay, tani waxay ka dhigan tahay in dalka uu haysto fursad dhaqaale oo weyn oo aan weli si buuxda looga faa’iidaysan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dooday in caqabadda ugu weyn aysan ku koobnayn maalgelin ama farsamo oo keliya, balse ay tahay dhaqanka ku-tiirsanaanta wax-soo-dejinta ee muddo dheer soo jiray. Wuxuu sheegay in ganacsatada, macaamiisha, hay’adaha dowladda iyo guud ahaan bulshada ay u baahan yihiin inay beddelaan hab-fikirka oo ay kalsooni badan geliyaan wax-soo-saarka gudaha.
Wuxuu xusay in ganacsatada Soomaaliyeed ay muddo dheer la qabsadeen ganacsi ku dhisan in badeeco dibadda laga keeno oo muddo gaaban lagu iibiyo, halka maalgashiga beeraha iyo warshadayntu ay u baahan yihiin waqti, qalab, kaabayaal dhaqaale iyo dulqaad badan.
Dhanka macaamiisha, wuxuu sheegay in qaar badan ay weli aaminaan in badeecadaha dibadda laga keeno ay ka tayo wanaagsan yihiin kuwa gudaha lagu soo saaro, taas oo uu ku tilmaamay dhaqan u baahan in si tartiib ah loo beddelo.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah, deeq-bixiyeyaasha iyo saaxiibbada Soomaaliya inay beddelaan aragtida ay dalka ka haystaan, isagoo sheegay in qaar wali Soomaaliya u arkaan dal ku-meel-gaar ah oo leh hay’ado daciif ah.
Wuxuu ugu baaqay inay la qabsadaan waxa uu ku tilmaamay “Soomaaliyada cusub”, isla markaana ay hawlahooda si dhow ugu soo wareejiyaan Muqdisho halkii ay dibadda uga maamuli lahaayeen.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka digay halista ku jirta ku-tiirsanaanta suuqyada cuntada ee dibadda, isagoo xusay in dagaallada, isbeddelka cimilada, abaaraha iyo fatahaaduhu ay si degdeg ah u carqaladeyn karaan silsiladaha sahayda.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan sii wadi karin nidaam ku dhisan in tallaabo la qaado marka dhibaatadu dhacdo, isagoo ku tilmaamay habkaas “management by reaction”, wuxuuna ku baaqay qorshe muddo dheer ah oo lagu xoojinayo wax-soo-saarka gudaha.
Dowladda, ayuu sheegay, waxay diyaar u tahay inay fududeyso helitaanka tignoolajiyada beeraha, dib u eegto canshuuraha qalabka muhiimka ah, isla markaana taageerto maalgashadayaasha iyo ganacsatada doonaya inay ku biiraan wax-soo-saarka beeraha.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku soo gabagabeeyay in Soomaaliya ay u baahan tahay isku-kalsooni iyo in ay aaminto awooddeeda wax-soo-saar, isagoo ku boorriyay ganacsatada iyo maalgashadayaasha Soomaaliyeed inay hantidooda dib ugu maalgeliyaan dalka, gaar ahaan beeraha iyo warshadaynta cuntada.





















