Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo howlo shaqo u jooga Baydhabo, caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa kormeer ku tagay fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee jiidda hore.
Taliyaha iyo saraakiishii la socotay ayaa qiimeeyay xaaladda guud ee amniga iyo nolosha magaalada, iyo sidoo kale xaaladda ciidamada iyo fariisimahooda.
Taliyaha Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Sare Isxaaq Aadan (Isxaaq Berdaale) ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka warbixin ka siiyay xaaladda amniga, hawlgalladii iyo dagaalladii ciidan ee ugu dambeeyay, iyo guulaha laga gaaray kooxaha cadowga.
Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidamada ugu hambalyeeyay guulaha ay gaareen, wuxuuna ku bogaadiyay feejignaantooda joogtada ah ee dhaqdhaqaaqyada cadowga iyo sida ay uga go’an tahay difaaca shacabka ay ku dhaarteen inay u adeegaan.























