| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
MW Xasan Sheekh oo Furay Sannad-dugsiyeedka Cusub iyo Hindisaha ABUUR ee Ardayda Jaamacadaha
MW Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay sannad-dugsiyeedka 2026/2027 ee hay’adaha tacliinta sare ee dalka, isagoo sidoo kale daah-furay Hindisaha ABUUR oo lagu horumarinayo hal-abuurka, curinta iyo xirfadaha ganacsi-abuurka ee ardayda Soomaaliyeed.
MW Xasan Sheekh oo Furay Sannad-dugsiyeedka Cusub iyo Hindisaha ABUUR ee Ardayda Jaamacadaha
MW Xasan Sheekh oo Furay Sannad-dugsiyeedka Cusub iyo Hindisaha ABUUR ee Ardayda Jaamacadaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka rasmiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2026/2027 ee hay’adaha tacliinta sare ee dalka, taas oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in horumarka Soomaaliya uu si dhow ugu xiran yahay tayeynta waxbarashada, horumarinta aqoonta iyo maalgashiga dhallinyarada dalka. Waxa uu tilmaamay doorka muhiimka ah ee jaamacaduhu ku leeyihiin diyaarinta jiil xirfad iyo aqoon leh oo awood u leh inuu hoggaamiyo dalka kana qaybqaato horumarkiisa.

Intii ay munaasabaddu socotay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa daah-furay Hindisaha ABUUR, kaas oo looga gol leeyahay horumarinta hal-abuurka, curinta iyo xirfadaha ganacsi-abuurka ee ardayda Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale xarigga ka jaray dhismayaal cusub oo loogu talagalay kulliyadaha jaamacadda, Xarunta Guddiga Arrimaha Caafimaadka Carabta iyo Xarunta Gurmadka iyo Daryeelka Xaaladaha Haliska ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhagax-dhigay guriga martida ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo dhisme cusub oo loogu talagalay Hal-abuurka iyo Cilmi-baarista, kuwaas oo taageeraya dadaallada lagu xoojinayo tacliinta sare, tababarka caafimaadka iyo cilmi-baarista Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA