Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa Talaadadii shir guddoomiyay kulan ay yeesheen Wasiirrada Warfaafinta Dawladda Federaalka, Dawlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo qayb ka ahaa madasha labaad ee Istaraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya 2026.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo isku-dubbaridka Wasaaradaha Warfaafinta dalka. Doodaha ayaa lagu soo qaaday hannaanka wadatashiga Istaraatiijiyadda Dhaqanka, Siyaasadda iyo Habraacyada Dalxiiska, qabyo-qoraalka xeerka diiwaangelinta iyo ruqsad-siinta warbaahinta, Siyaasadda Hay’adda Filimada, mideynta farriimaha dawladda, iskaashiga Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ee dhinaca warfaafinta, iyo habraacyada isku-dubbaridka tababarrada Wasaaradda Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta ee Dawlad-goboleedyada.
Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa sheegay in Dawladda Federaalka ay muhiimad gaar ah siinayso dhismaha hannaan waara oo lagu xoojinayo iskaashiga heer federaal iyo heer dawlad-goboleed, gaar ahaan casriyeynta waaxda warbaahinta, horumarinta isgaarsiinta dawladda, dhaqanka iyo dalxiiska, wadaagista macluumaadka, horumarinta xirfadaha iyo la jaanqaadidda isbeddellada warbaahinta casriga ah.
Wasiirrada Warfaafinta Dawlad-goboleedyada iyo wakiillada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay aragtiyahooda, caqabadaha ka jira deegaannadooda iyo talooyin ku saabsan hagaajinta iskaashiga iyo xoojinta waaxda warbaahinta Soomaaliya.
Kulankan ayaa qayb ka ah madasha labaad ee Istaraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya 2026, taas oo looga gol leeyahay xoojinta wadatashiga, iskaashiga iyo dejinta jiho mideysan oo ku saabsan mustaqbalka waaxda warbaahinta Soomaaliya.





















