| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Muqdisho: Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 oo Maanta Furmay
Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 ayaa maanta ka furmaya Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo mustaqbalka warbaahinta Soomaaliya, xiriirka dowladda iyo dadweynaha, tiknoolajiyadda, garaad gacmeedka ah iyo baraha bulshada
Muqdisho: Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 oo Maanta Furmay
Muqdisho: Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 oo Maanta Furmay / SONNA

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qaybgalayaan hay’adaha dowladda, wasiirrada warfaafinta dowlad-goboleedyada, hay’adaha warbaahinta, bulshada rayidka ah, bah-wadaagta horumarinta iyo daneeyayaasha kale.

Shirweynaha oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkan lagu qabanayaa halku-dhigga ah “Qaabeynta Mustaqbalka Warbaahinta Soomaaliya Xilliga Casriga ah.”

Madashu waxay diiradda saaraysaa xoojinta isku-duwidda xiriirka istiraatiijiga ah, horumarinta xiriirka dadweynaha iyo dhisidda kalsoonida bulshada, iyadoo sidoo kale looga hadlayo jihada mustaqbalka waaxda warbaahinta Soomaaliya.

Doodaha shirweynaha ayaa lagu soo qaadanayaa horumarinta waaxda warbaahinta dalka, xiriirka dowladda iyo dadweynaha, fursadaha ay keeneen tiknoolajiyadda iyo baraha bulshada, iyo caqabadaha la xiriira wararka khaldan iyo marin-habaabinta.

Sidoo kale, waxaa looga hadlayaa anshaxa saxaafadda, isbeddellada ku socda warbaahinta casriga ah iyo adeegsiga garaad gacmeedka (AI) ee saxaafadda, warbaahinta iyo xiriirka istiraatiijiga ah.

XIGASHO:SONNA