Maqaal ra’yi ah oo lagu daabacay wargeys Israa’iili ah ayaa soo jeediyay in dowladda Mareykanku ka cafiso deynta dhalinyarada Mareykanka haddii ay oggolaadaan inay ku biiraan duullaan lagu qaado Iiraan. Qoraagu wuxuu ku dooday in dagaal Mareykanku kula jiro Iiraan aan lagu guuleysan karin duqeymo cirka ah oo keliya, balse uu u baahan doono qabsasho ama gacan-ku-hayn dhuleed, taas oo laga yaabo inay u baahato ilaa 1.5 milyan oo askari.
Soo jeedintan muranka dhalisay waxaa qoray AJ Jaff, oo ah sarkaal hawlgab ah oo ka tirsanaa Ciidamada Qalabka Sida ee Canada, waxaana lagu daabacay maqaal aragtiyeed wargeyska Jerusalem Post.
Jaff wuxuu ku dooday in bilo weerarro culus oo Mareykanku qaaday aysan burburin awoodda milatari ee Iiraan ama soo afjarin dagaalka, isla markaana duullaan dhulka ah uu u baahan doono askar Mareykan ah oo aad uga badan tirada hadda jirta.
“Qorista askarta cusub waxay ka hooseysaa heerka loo baahan yahay haddii la doonayo duullaan dhulka ah oo lagu qaado Iiraan. Qiyaasaha olole guuleysta oo ka dhan ah 31-ka talis goboleed ee Iiraan iyo Mabda’a Difaaca Mosaic waxay u dhexeeyaan 750,000 ilaa 1.5 milyan oo askari oo Mareykan ah. Ciidanka firfircoon ee Mareykanka hadda wuxuu gaarayaa qiyaastii 452,000. Xisaabtu si cad uma shaqeyneyso,” ayuu qoray.
Jaff wuxuu sheegay in taariikhda Mareykanku muujineyso waddo kale oo suurtagal ah, taas oo ah in askarta lagu qoro barnaamij deyn-cafis ah halkii la adeegsan lahaa askareyn qasab ah xilliga dagaalka.
Wuxuu qoray in celcelis ahaan Mareykanka da’doodu u dhexeyso 18 ilaa 34 sano ay leeyihiin in ka badan $40,000 oo deyn aan guri ku xirneyn, oo ay ku jiraan amaahda waxbarashada, deymaha kaararka deynta, amaahda baabuurta iyo amaahda shaqsiga ah, iyadoo qiyaasaha qaarkood ay gaarsiinayaan ilaa $100,000.
“Barnaamij qaran oo deyn-cafis ah oo la xiriira ku biirista ciidamada, kaas oo si buuxda u tiraya deymaha waxbarashada, kaararka deynta iyo amaahda kale kaddib 24 ama 36 bilood oo adeeg ah, isla markaana kordhiya faa’iidooyinka GI Bill, wuxuu abuuri karaa askareyn iskaa wax u qabso ah oo baaxad leh,” ayuu ku dooday.
Soo jeedin aan caadi ahayn
Qiyaastii 77% dadka Mareykanka ayaa leh nooc deyn ah. Tani waxay u dhigantaa ku dhowaad 250 ilaa 260 milyan oo qof oo wajahaya waajibaadyo maaliyadeed oo kala duwan, iyadoo wadarta deynta qoysaska Mareykanka ay gaartay heer taariikhi ah oo dhan $18.8 tiriliyan. Celceliska deynta qof weyn oo Mareykan ahna wuxuu gaarayaa $63,500.
Jaff wuxuu tusaale u soo qaatay habab hore oo Mareykanku u adeegsaday dhiirrigelinta askareynta, isagoo xusay in Dagaalkii Labaad ee Adduunka uu keenay GI Bill, halka Dagaalkii Vietnam lagu bixiyay dib-u-dhigis waxbarasho.
“Dagaalladii ka dambeeyay 9/11 waxay bixiyeen gunnooyin saxiix iyo waddooyin lagu helo jinsiyadda. Dagaalka Iiraan wuxuu u baahan doonaa deyn-cafis. Xaaladda dhaqaale ee Mareykanka 20-meeyada iyo 30-meeyada ku jira ee deynta qaba waxay tan ka dhigeysaa habka ugu waxtarka badan ee Pentagon-ka iyo maamulka Trump ay heli karaan,” ayuu qoray.
Wuxuu qiray in qorshahan uu dhinaca anshaxa ka yahay mid aan raaxo lahayn, balse wuxuu haddana ku tilmaamay “habka ugu waxtarka badan” ee Pentagon-ka iyo maamulka Trump, isagoo ku doodaya in dalalku ay askarta ku qortaan dhiirrigelin ku habboon xaaladaha bulshadooda.
Maqaalka Jaff wuxuu qorshahan ku daray saddex ikhtiyaar oo aan militari toos ah ahayn oo uu sheegay in Washington u adeegsan karto inay Iiraan kaga adkaato, kuwaas oo ay ka mid yihiin in Congress-ka Mareykanku aqoonsado madax-bannaanida kooxaha laga tirada badan yahay ee Iiraan iyo heshiis lala galo Shiinaha oo ku saabsan saliidda Iiraan.
Maqaalka ayaa dhaliyay cambaareyn ballaaran, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen soo jeedinta mid khaldan marka laga eego danaha Mareykanka, qaarna ay su’aal geliyeen kartida qoraaga, halka kuwo kalena ay ku doodeen in Israa’iil ay rabto inay Iiraan kula dagaallanto “ilaa Mareykankii ugu dambeeyay.”
Warbaahin ay ka mid tahay The Blaze ayaa qorshaha ku tilmaantay mid “aan xishood lahayn” ama si qalafsan uga faa’iideysanaya deynta ay qabaan dhalinyarada Mareykanka. Waxay sidoo kale soo jeedinta Jaff ku tilmaantay qorshe aan caadi ahayn oo dhalinyarada deyntu hayso loogu dirayo furimaha dagaalka.
Machadka Mises ayaa qoraal uu arrintan ka sameeyay cinwaan uga dhigay “The Jerusalem Post Calls for More Americans to Enlist – to Die for Israel”, isagoo ku tilmaamay maqaalka warbaahin Israa’iili ah oo ku baaqeysa in canshuur-bixiyeyaasha Mareykanku maalgelin u sameeyaan dagaal kale.






















