Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay waxa ay ku tilmaantay olole abaabulan oo lagu sumcad-dilayo Turkiga laguna dhaawacayo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Ankara.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim, ayaa sheegay in dad uu ku tilmaamay kuwo “la soo kireystay oo abaabulan” ay si ula kac ah Turkiga ugu xiriirinayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo howlgallada amni ee gudaha dalka.
“Maxaa Turkiga maalin kasta sida joogtada ah loo soo hadal qaadayaa?” ayuu yiri Qaasim. “Waxaa jira dad la soo kireystay oo abaabulan oo doonaya inay dhaawacaan heshiiska istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.”
Hadalka wasiirka ayaa yimid kaddib markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay dowladda ku eedeeyeen inay awood xad-dhaaf ah u adeegsatay dadka kasoo horjeeda, iyadoo qaarkood ay iskaashiga amni ee Turkiga iyo Soomaaliya ku xiriiriyeen howlgalladaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa eedeymahaas diidday, waxayna ku tilmaantay isku day lagu wiiqayo xiriir ay sheegtay inuu ku dhisan yahay dano wadaag, madax-bannaani iyo iskaashi muddo dheer soo jiray.
Qaasim ayaa sheegay in taageerada Turkigu aysan ahayn mid hadda bilaabatay, balse Ankara ay Soomaaliya garab istaagtay xilli uu dalku ku jiray marxalad adag.
“Turkigu maanta Soomaaliya ma iman, maantana ma uusan bilaabin inuu garab istaago shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.
“Turkigu wuxuu Soomaaliya yimid xilli adag, xilli dunida inteeda kale ay meel fog ka daawanaysay. Wuxuu naga caawiyay inaan kasoo gudubno xaaladdaas adag.”
Wasiirka ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu kasoo gudbay heer gargaar bani’aadannimo, isla markaana uu hadda gaaray iskaashi ballaaran oo dhinacyada difaaca, amniga, dhaqaalaha, kaabayaasha iyo adeegyada dadweynaha ah.
“Dhinaca ciidanka wuxuu naga caawiyay dhismaha ciidamadeenna; dhinaca dhaqaalaha wuxuu taageeray kaabayaasha; adeegyada dadweynahana wuxuu gacan ka geystay dhismaha adeegyo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.
Soomaaliya oo sheegtay inay ka gudubtay ku-tiirsanaantii gargaarka
Qaasim ayaa sheegay in Soomaaliya aysan doonayn inay sii ahaato dal ku tiirsan kaalmo dibadeed, balse ay hadda u gudubtay marxalad ay si toos ah uga shaqeyneyso amnigeeda, kheyraadkeeda iyo dib-u-dhiska hay’adaheeda.
“Soomaaliya way kasoo gudubtay marxaladdii keliya ee la caawinayay,” ayuu yiri. “Waxaan hadda joognaa marxalad aan heshiisyo galeyno, kheyraadkeenna sahamineyno, ciidamadeennana dib u dhiseyno.”
Waxa uu sheegay in hoos u dhaca joogitaanka ciidamada iyo hay’adaha caalamiga ahi uu dowladda ku waajibinayo inay si tartiib ah ula wareegto mas’uuliyadda buuxda ee amniga dalka.
“AUSSOM way naga baxaysaa, Qaramada Midoobayna way naga baxaysaa,” ayuu yiri. “Mas’uuliyad ayaa naga saaran shacabka Soomaaliyeed. Ma iska fadhin karnaa annaga oo aan amnigooda sugin?”
Wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu aysan indhaha ka qarsan karin fal kasta oo khatar ku ah shacabka, hay’adaha dowladda ama xasilloonida dalka.
“Qofkii hub sharci-darro ah qaata, shacabka weerara, hantidooda ama hay’adaha dowladda weerara, falkaas waa argagixiso, magac kasta oo uu isku sheego,” ayuu yiri.
Turkiga oo ka mid ah dhowr saaxiib oo Soomaaliya taageera
Qaasim ayaa sidoo kale diiday in Turkiga si gaar ah loogu eedeeyo howlgallada amni ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Ankara ay ka mid tahay dalal badan oo dowladda kala shaqeeya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
“Turkigu ma aha dowladda keliya ee saaxiibka nala ah ee naga caawisa ciribtirka argagixisada Al-Shabaab,” ayuu yiri.
“Waxaan si wadajir ah ula dagaallannaa bartilmaameed isku mid ah, meel kasta oo ay Al-Shabaab joogto.”
Wasiirku wuxuu ku adkeystay in iskaashiga amni ee dibadda looga gol leeyahay xoojinta awoodda ciidamada Soomaaliya iyo la-dagaallanka Al-Shabaab, ee aan loo adeegsan loollanka siyaasadeed ee gudaha.
Turkiga ayaa hore u beeniyay eedeymo sheegaya in joogitaankiisa milateri ee Soomaaliya loo adeegsanayo cadaadis ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka ama faragelin lagu sameeyo arrimaha gudaha.
Agaasinka Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga ayaa sheegay in iskaashiga milateri ee Ankara iyo Muqdisho uu ku wajahan yahay tababarka ciidamada Soomaaliya, xoojinta hay’adaha amniga iyo kobcinta awoodda la-dagaallanka argagixisada.
Qaasim ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid istiraatiiji ah oo kasoo gudbay gargaar bani’aadannimo, isla markaana dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto heshiisyada ay u aragto inay muhiim u yihiin amniga, horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.























