Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dalku horumar weyn ka sameeyey dhinaca amniga, isaga oo guulaha la gaaray ku tilmaamay kuwo ku yimid naf-hurnimada ciidamada, saraakiisha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed.
Xamsa oo ka hadlayey munaasabad lagu maamuusayey ciidamada amniga oo lagu qabtay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in si dhab ah loo fahmi karo horumarka la gaaray marka dib loo eego xaaladihii amni ee dalka, gaar ahaan Muqdisho, ay soo martay sanadihii hore.
“Sida aad ogtihiin, mar walba si aad u garato nimcada aad ku jirto, waxay u baahan tahay inaad dib u yara laabato, si aad u fahanto meesha aad ka timid iyo meesha aad joogto. Kadibna ay kuu soo baxdo qiimaha ay noogu fadhido caawa inaan xusno amniga,” ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho ay muddo dheer la kulmayeen qaraxyo, dilal iyo weerarro lala beegsaday goobaha ganacsiga, hoteellada, waddooyinka, iskuullada iyo jaamacadaha.
“Shacabka caasimadda muddo dheer ayaa loo dhibaateeyey. Waxaa loogu dhibaateeyey dowladnimada Soomaaliya, waa loo ciqaabay,” ayuu yiri.
Wuxuu xusay in dadka la dilay ay ka mid ahaayeen shaqaalaha caafimaadka, macallimiin, aqoonyahanno, arday iyo dad rayid ah oo kale, isaga oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Gobolka Banaadir, ay haddana sii garab taagnaayeen geeddi-socodka dowlad-dhiska.
“Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan shacabka Gobolka Banaadir, intaas oo dhan way u sabreen. Waan ammaanayaa,” ayuu yiri.
Xamsa ayaa sidoo kale dib u xusuustay markii uu xafiiska yimid, xilligaas oo ilaaladiisa ay ka mid ahaayeen ciidamo ka socday dalal Afrikaan ah, halkii ay ka ahaan lahaayeen ciidamo Soomaaliyeed.
“Waxaan sheegay inaanan ku qanacsanayn, oo aan jeclaan lahaa inay wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed ay i waardiyeeyaan, intii ay i waardiyeyn lahaayeen wiilal iyo gabdho kale,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in xaaladdaasi maanta is beddeshay, isaga oo tusaale u soo qaatay safarkiisii uu ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga habeenkii munaasabadda.
“Caawa waxaan ka soo baxay hoyga aan degganahay ilaa aan ka imaanayey Wasaaradda Gaashaandhigga, jidna layma xirin. Dadka Soomaaliyeed waan iska dhex marnay. Meelaha qaar waan istaagnay, jaam baan ku galnay ilaa aan halkan ka nimaadno,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamo ajnabi ah aysan la socon, isaga oo arrintaas ku tilmaamay calaamad muujinaysa halka uu dalku ka soo baxay iyo heerka uu maanta marayo.
“Waxay ku tusinaysaa meesha aan ka nimid iyo meesha aan hadda marayno,” ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in horumarka amniga uusan iska imaan, balse uu ku yimid naf-hurnimada ciidamada iyo shaqada ay qabteen hay’adaha dowladda.
“Ma iska timid? Maya. Yaa keenay?” ayuu yiri.
Wuxuu ammaanay ciidamada ku sugan jiidaha hore, kuwa sugaya waddooyinka iyo xarumaha muhiimka ah, saraakiisha hoggaamisa howlgallada iyo askartii ku dhimatay ama ku dhaawacantay dagaallada.
Sidoo kale wuxuu bogaadiyey dadka qorsheeyey, maalgeliyey, qalabeeyey oo tababaray ciidamada iyo kuwa dhisay nidaamyada sharci iyo hay’adeed ee lagu maamulayo howlaha amniga.
Xamsa wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyey shacabka Gobolka Banaadir, isaga oo sheegay inay la shaqeeyeen ciidamada iyo dowladda, ayna soo gudbiyeen xog ku saabsan xubnaha Al-Shabaab iyo dhaqdhaqaaqyadooda.
Wuxuu sidoo kale xusay ganacsatada, shaqaalaha dowladda, maamulka gobolka, madaxda dhaqanka, haweenka iyo qeybaha kale ee bulshada ee taageeray dadaallada amniga.
“Anigoo wakiil ka ah shacabka Soomaaliyeed, xukuumadda iyo dhammaan inta mahadcelintu ku habboon tahay, waxaan rabaa inaan idin iraahdo: intiinna halkan fadhida, intiinna maqan, intii idinka shahiiday iyo inta idinka dhaawacantay, dhammaantiin waad mahadsan tihiin,” ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho ay sidoo kale diideen isku dayo lagu carqaladeynayey amniga iyo xasilloonida caasimadda, isla markaana ay doorteen inay ka qeybqaataan hannaan siyaasadeed iyo mid bulsho oo nabadeed.
Wuxuu sheegay in nabadda hadda jirta ay qeyb ka tahay go’aanka shacabka ee ah inay ka fogaadaan dadka fowdada iyo amni darrada wada.
“Markii shacabka Gobolka Banaadir ay nabadda si dhab ah u raadiyeen, ay daacad ka noqdeen, ay iska hareen dadka fowdada wada, markay dantooda garteen, markay nabadda jeclaadeen, ayuu Ilaahay raxmaddiisa nabadeed soo dejiyey,” ayuu yiri.
Xamsa ayaa ugu baaqay shacabka inay ilaaliyaan xasilloonida la gaaray, isaga oo sheegay in amniga lagu bixiyey naf iyo maal.
“Waxaan ku adkaynayaa inay nabadda ilaaliyaan, inay nimcada Ilaahay ilaashadaan, inay ogaadaan inaysan bilaash ku imaan,” ayuu yiri.
“Waxay ku timid dhiig iyo naf-hurnimo, iyo wiil iyo gabar Soomaaliyeed oo naftooda u huray.”
Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay malaayiin doolar ku bixisay amniga, isla markaana ay sii wadi doonto maalgelinta iyo dhismaha ciidamada.
“Horumar xoog lehna waan ka gaaraynaa, Insha Allah. Ciidamadeennuna way dhismayaan, way socdaan, dalkana way difaacayaan,” ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale beeniyey sheegashada ah in ciidamada Soomaaliya ay burbureen ama aysan jirin.
“Waa been kuwa leh ciidamo ma jiraan. Waa beentood kuwa leh ciidanku waa burburay. Wuu dhismay. Ma burburin ee waa dhismay,” ayuu yiri.
Xamsa ayaa sidoo kale difaacay saraakiisha ciidamada, isaga oo sheegay inaysan mudnayn aflagaaddo, wuxuuna siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inaan amniga loo adeegsan loollan siyaasadeed.
“Waxaan ugu baaqayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed inaan amniga la siyaasadayn,” ayuu yiri.
“Amnigu siyaasad ma geli karo. Amniga anigu ma lihi, adigu ma lihid, iyadu ma laha, isaguna ma laha. Amnigu waa mas’uuliyad.”
Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in amnigu yahay dan guud oo wada khuseysa shacabka Soomaaliyeed.
“In lagu ciyaarana lama oggolaan karo. Dan buu inoo wada yahay dhammaanteen,” ayuu yiri.




























