| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaare Xamza oo la Kulmay Wafdi ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan
RW Xamza ayaa la kulmay wafdi ka socday Pakistan oo uu hoggaaminayay Air Marshal Muhammad Sarfraz, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha Ciidanka Cirka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamza oo la Kulmay Wafdi ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan
Ra’iisul Wasaare Xamza oo la Kulmay Wafdi ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa la kulmay wafdi ka socday Pakistan oo uu hoggaaminayay Air Marshal Muhammad Sarfraz, Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, kaas oo booqasho ku jooga Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha Ciidanka Cirka Soomaaliya, xoojinta awooddiisa iyo kor u qaadista tababarka iyo tayada ciidanka si loo dardargeliyo dadaallada lagu dhisayo awoodda difaaca cirka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa wafdiga Pakistan uga mahadceliyay booqashada Soomaaliya, isagoo booqashada ku tilmaamay mid muhiim u ah sii xoojinta iskaashiga labada dal. Wuxuu sheegay in Dawladda Federaalka ay ka shaqeynayso dhismaha, tababarka, horumarinta iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, iyadoo dalku sii wado dadaallada dib loogu soo celinayo awoodda iyo tayada ciidamada oo door muhiim ah ka qaata hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda sii xoojinta iskaashiga iyo taageerada dhinaca difaaca, gaar ahaan horumarinta awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo xoojinta hay’adaha amniga iyo difaaca dalka.

XIGASHO:SONNA