Xarunta La-dagaallanka Wararka Marin-habaabinta ee hoos-tagta Madaxtooyada Turkiga ayaa si adag u beenisay warar dhawaan lagu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar, kuwaas oo sheegayay in dowladda Soomaaliya ay xannibaad dhinaca dal-ku-galka ah ku soo rogtay muwaadiniinta u dhashay dalka Turkiga.
Xarunta ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in aan wax isbeddel ah lagu sameyn hannaanka socdaalka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isla markaana muwaadiniinta labada dal ay sidii caadiga ahayd isugu safraan iyagoo qaadanaya dal-ku-galka sharciga ah.
"Ma jiraan wax xayiraado cusub ah ama isbeddel sharci oo lagu sameeyay nidaamka socdaalka ee labada dal," ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay xarunta.
Madaxtooyada Turkiga ayaa xustay in wararkan la been-abuuray ay yihiin olole marin-habaabin ah oo si ula kac ah loogu beegsanayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Ankara.
Ugu dambayn, xarunta ayaa ugu baaqday shacabka inay ka digtoonaadaan xogaha been-abuurka ah ee aan la xaqiijin, isla markaana ay macluumaadka la xiriira arrimaha socdaalka iyo fiisooyinka ka raadiyaan oo keliya hay’adaha rasmiga ah ee dowladda.























