| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Ku Biiray Shabakadda Golayaasha Warbaahinta Madaxa-banaan ee Afrika
JOHANNESBURG: Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa xubin rasmi ah ka noqday Shabakadda Golayaasha Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Afrika, kaddib go’aan lagu gaaray shir ka dhacay Johannesburg. Xubinnimadu waxay soo gabagabeysay hannaan socday 14 bilood.
Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Ku Biiray Shabakadda Golayaasha Warbaahinta Madaxa-banaan ee Afrika
Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Ku Biiray Shabakadda Golayaasha Warbaahinta Madaxa-banaan ee Afrika / SONNA

Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqday Shabakadda Golayaasha Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Afrika, kaddib go’aan lagu gaaray Shirweynaha Guud ee Sannadlaha ah iyo Shirweynaha Aasaaska Shabakadda oo ka dhacay Johannesburg, Koonfur Afrika.

Shirka oo socday 13 ilaa 16 Sebtembar waxaa martigeliyay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika, iyadoo taageero laga helayay Hay’adda Konrad-Adenauer-Stiftung. Soomaaliya waxaa shirka ku matalay Guddoomiyaha ahna Madaxa Fulinta Golaha, Cabdiraxmaan-Koronto Maxamed Aadan, iyo La-taliyaha Golaha, Cabdiqani Cabdullaahi Axmed.

Xubinnimadan ayaa soo gabagabeysay hannaan socday 14 bilood, kaas oo Golaha Warbaahinta Soomaaliya uu ka bilaabay Shirweynihii Labaad ee Golayaasha Warbaahinta Afrika ee lagu qabtay Arusha, Tanzania, bishii Luulyo 2025. Intii uu shirkaasi socday, Golaha ayaa gudbiyay codsiyada xubinnimada Shabakadda iyo Ururka Caalamiga ah ee Golayaasha Saxaafadda.

Bishii May ee sannadkan, Ururka Caalamiga ah ee Golayaasha Saxaafadda ayaa Golaha Warbaahinta Soomaaliya xubin rasmi ah ka dhigay, kaddib shirweynihii guud ee ururka oo lagu qabtay Nairobi.

Shabakadda Golayaasha Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Afrika waxaa la aasaasay bishii May 2024, waxayna isu keentaa golayaasha warbaahinta madaxa-bannaan iyo hay’adaha u qaabilsan nidaaminta warbaahinta ee qaaradda. Ujeeddadeedu waa horumarinta xorriyadda warbaahinta, anshaxa saxaafadda, isla xisaabtanka iyo iskaashiga golayaasha warbaahinta ee Afrika.

XIGASHO:SONNA