| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo dhagax-dhigay dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa dhagax-dhigay dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun, oo lagu horumarinayo waraabka beeraha, maaraynta biyaha iyo yareynta khatarta fatahaadaha.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo dhagax-dhigay dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo dhagax-dhigay dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun / SONNA

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Arbacadii deegaanka Saabuun ee gobolka Shabeellaha Dhexe kaga qeyb galay munaasabad lagu dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun.

Mashruucan ayaa loogu talagalay in lagu hagaajiyo maaraynta biyaha Webiga Shabeelle, kor loogu qaado waraabka beeraha, isla markaana lagu yareeyo khatarta fatahaadaha saameeya deegaannada ku teedsan webiga.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in dib-u-dayactirka biyo-xireenku uu yahay maalgashi muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan beeraleyda ku nool dooxada Shabeelle, isagoo xusay inuu gacan ka geysan doono kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo sugnaanta cuntada.

“Maanta Saabuun uma aynaan iman inaan dhagax keliya dhigno, balse waxaan u nimid inaan dib u soo nooleyno halbowlihii biyaha iyo beeraha ee deegaankan,” ayuu yiri Jibriil.

Waxa uu tilmaamay in Biyo-xireenka Saabuun, oo la dhisay sanadkii 1925-kii, uu muddo dheer ka mid ahaa kaabayaasha muhiimka ah ee lagu maareeyo biyaha Webiga Shabeelle laguna taageero wax-soo-saarka beeraha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan siinayso horumarinta kaabayaasha biyaha iyo waraabka, kuwaas oo muhiim u ah kordhinta wax-soo-saarka dalka iyo xaqiijinta sugnaanta cuntada.

Waxa uu intaas ku daray in mashruucu uusan ku koobnayn oo keliya dayactirka biyo-xireenka, balse uu qayb ka yahay Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar (JOSP) iyo qorshayaasha lagu horumarinayo awoodda Soomaaliya ee maaraynta khayraadka biyaha.

XIGASHO:SONNA