Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay Qaybta 1-aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha iyo ciidamada Guutada 21-aad.
Taliyaha Ciidanka ayaa ciidamada ku boorriyay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran, ilaaliyaan anshaxa iyo midnimada, isla markaana joogteeyaan feejignaan iyo u diyaar-garowga hawlgallada si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday.
Taliyaha Qaybta 1-aad ee Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid Jaamac Faarax Jarrare, ayaa soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka intii uu booqashada ku jiray.
Taliyaha Ciidanka ayaa sidoo kale kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha hoggaanka sare, iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee ciidamada qalabka sida, xoojinta gudashada waajibaadka loo igmaday iyo sare u qaadidda diyaar-garowga iyo hufnaanta ciidamada.
Wadahadallada ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta hoggaaminta, isku-dubbaridka hawlgallada iyo taageerada ciidamada, si loo xaqiijiyo gudashada waajibaadka qaranka si wax-ku-ool ah loona kordhiyo awoodda hawlgal ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.























