| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
RW Xamza oo la Kumay Wafdi OIC ayaa Kala Hadlay Xoojinta Iskaashiga iyo Taageerada Soomaaliya
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada uu ururku siiyo Soomaaliya.
RW Xamza oo la Kumay Wafdi OIC ayaa Kala Hadlay Xoojinta Iskaashiga iyo Taageerada Soomaaliya
RW Xamza oo La Kulmay Wafdi OIC ah, Kala Hadlay Xoojinta Iskaashiga iyo Taageerada Soomaaliya / SONNA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Ergada OIC ee Soomaaliya, Danjire Mohamed Bamba M. Boba, si looga wada hadlo xoojinta iskaashiga iyo taageerada OIC ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha, iyo sidoo kale hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ee qaybo ka mid ah dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa OIC uga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada ay ku taageerto dawlad-dhiska, nabadda iyo horumarka dalka.

XIGASHO:SONNA