Wasiirrada arrimaha dibadda ee Turkiga, Masar, Indooniisiya, Urdun, Baakistaan, Qadar, Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay hadalladii dhowaan ka soo yeeray Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, iyo Wasiirka Difaaca, Israel Katz, ee la xiriiray in shacabka Falastiin laga barakiciyo Marinka Qaza.
War murtiyeed wadajir ah oo ay baahisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa lagu caddeeyay in damac kasta oo shacabka Falastiin si qasab ah looga rari karo deegaannadooda, uu yahay xadgudub qaawan oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah, isla markaana khatar weyn ku ah xuquuqda asaasiga ah ee Falastiiniyiinta.
Mas'uuliyiintan ayaa xusay in soo-jeedimaha iyo hadallada noocan ah ay si toos ah uga hor imaanayaan mabaadi'da shuruucda caalamiga ah, oo uu kamid yahay xeerka bani'aadannimada, waxayna digniin ka bixiyeen inay halis weyn ku yihiin xuquuqda ma-guurtaanka ah ee sharcigu damaanad-qaaday ee shacabka Falastiin.
Waxay mar kale si qeexan u gaashaanka u daruurteen damac kasta oo ujeeddadiisu tahay barakicinta Falastiiniyiinta Qaza, ha noqoto in loo raro guddaha dhulalka la haysto ama in dibadda loo saaro, iyadoo aan loo eegin marmarsiiyo kasta oo la cuskado.
Dowladahan soo saaray bayaanka ayaa ka digay in haddii baaqyadan ku dhisan barakicinta xoogga ah loo rogo siyaasad rasmi ah ama tallaabooyin la meelmariyo, ay arrintaasi cawaaqib xumo aad u weyn ku reebi karto nabadda iyo deganaanshaha guud ee gobolka.
Sidoo kale, waxay tilmaameen in dhaq-dhaqaaqyada noocan ah ay curyaamin karaan dadaallada beesha caalamka ee loogu jiro soo afjaridda colaadda Qaza, kuwaas oo uu qeyb ka yahay qorshihii nabadda ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo isaguna si cad u diidaya barakicinta qasabka ah.
Wasiirrada ayaa hoosta ka xarriiqay in Marinka Qaza uu yahay qayb muhiim ah oo aan marnaba laga goyn karin dhulalka Falastiiniyiinta ee la haysto, waxayna ku baaqeen in la dhowro isku-xirnaanta dhuleed ee Qaza, Daanta Galbeed iyo Qudusta Bari.
Waxay mar kale dib u xaqiijiyeen taageerada ay u hayaan xalka dhismaha labada dowladood, iyagoo ku sifeeyay waddada qura ee lagu xaqiijin karo nabad caddaalad ku dhisan oo waarta, taas oo yoolkeedu yahay dhisidda dowlad Falastiin oo madax-bannaan, oo xuduudaheedu ku salaysan yihiin xariiqa 4-tii Juun 1967, caasimaddeeduna tahay Qudusta Bari.
War-murtiyeedka ayaa sidoo kale loogu baaqay beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, inay hor istaagaan isku day kasta oo maamulka Israa'iil uu ku doonayo inuu ku abuuro xaqiiqooyin cusub oo salka ku haya beddelidda qaab-dhismeedka bulshada ama juquraafiga ee dhulalka Falastiin ee la haysto.
Ugu dambayn, wasiirradu waxay mar kale muujiyeen garab istaagga ay u hayaan xaqa ay dadka Falastiin u leeyihiin inay ku nagaadaan guryahooda iyo deegaannadooda, iyagoo diiday tallaabo kasta oo la doonayo in lagu wiiqo qadiyadda xaqa ah iyo xuquuqda sharci ee shacabka Falastiin.























