| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
CXDS oo Bartilmaameedsaday Unug Al-Shabaab u Qaabilsanaa Qaraxyada oo ku Sugnaa Jubbada Hoose
Ciidanka Kumaandooska Danab oo taageero ka helaya saaxiibada caalamka ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka Harboole ee degmada Afmadow, iyagoo burburiyay unug Al-Shabaab u qaabilsanaa diyaarinta iyo aasidda miinooyinka iyo walxaha qarxa.
CXDS oo Bartilmaameedsaday Unug Al-Shabaab u Qaabilsanaa Qaraxyada oo ku Sugnaa Jubbada Hoose
CXD oo Bartilmaameedsaday Unug Al-Shabaab u Qaabilsanaa Qaraxyada oo ku Sugnaa Jubbada Hoose / SONNA

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo taageero ka helaya saaxiibada caalamka, ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Intii uu hawlgalku socday, ciidamada ayaa burburiyay unug Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada, kaas oo diyaarinayay kuna aasayay waddooyinka miinooyin iyo walxaha qarxa oo lagu bartilmaameedsanayay gaadiidka rayidka.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu wiiqayo awoodda hawlgal ee Al-Shabaab, lagu ilaalinayo rayidka laguna xaqiijinayo isu-socod ammaan ah oo ka jira gobolka.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida guud ahaan Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Soomaaliya oo Ka Qaybqaadatay Shirarka Wasiirrada Jaamacadda Carabta ee Qaahira
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo Furay Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026
Seyga Madaxweynaha Tansaaniya oo geeriyooday xilli uu ku jirey isbitaal lagu dabiibayey
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Booqday Taliska Gorgor ee Muqdisho
Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Waxbarashada
Ku Dhawaad 1,700 Qof oo Amni-darro uga Barakacay Blue Nile ee Suudaan: IOM
RW Xamza oo la Kumay Wafdi OIC ayaa Kala Hadlay Xoojinta Iskaashiga iyo Taageerada Soomaaliya
Wasaaradda Gaadiidka & Duulista oo Dib u Eegtay Qorshayaasha Casriyeynta Duulista iyo Gaadiidka
Muqdisho: Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 oo Maanta Furmay
Niger oo Faransiiska ku eedeysay inuu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay magacyada horjoogayaal lagu dilay Gobolka Bay
Deynta dhalinyarada Mareykanka oo laga cafiyo si ay uga dagaalamaan Iiraan: Wargeys Israa’iili ah
Iiraan oo u wareegayso weerarro ka-hortag ah, iyo Maraykanka oo cunaqabateyn cusub soo rogay
Turkiga oo cambaareeyay tallaabooyinka Israa’iil ee Falastiin, Suuriya iyo Lubnaan
Midowga Yurub oo diiday isbeddel lagu sameeyo bulshada iyo dhulka Qaza
Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo sahayda & maalgelinta Xuutiyiinta
MW Masar iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Adkeeyay Baahida loo Qabo in la Dejiyo Xiisadaha Gobolka
Masar oo Cusbooneysiisay Xiriirrada ay la Leedahay Soomaaliya iyo Yemen si loo Sii Daayo Badmaaxiin
RSF oo Koonfurta Kordofan ku Weerartay Kolonyo Gargaar oo Qaramada Midoobay ah
Jabuuti: Mas’uul Dowladda ka Tirsan oo Ku Baaqay In Af-Soomaaligu Meel Ku Yeesho Garaad Gacmeedka