| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Niger oo Faransiiska ku eedeysay inuu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay
Madaxweynaha Niger, Jeneraal Cabdiraxmaan Tiani, ayaa horay dowladda Faransiiska iyo xubno ka mid ah waddamada Galbeedka Afrika ugu eedeeyay inay maalgelinayaan qalalaase iyo kadeed ka dillaaca dalkaas
Niger oo Faransiiska ku eedeysay inuu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay
Gaari milateri oo ku sugan waddo ku taalla Niamey, Niger, kaddib weerarkii ay ciidamo gadoodsan ku qaadeen garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada / AFP

Xukuumadda Niger ayaa dowladda Faransiiska ku eedeysay inay ka dambeysay abaabulka weerar ay ciidamo gadoodsan ku qaadeen garoon milateri oo muhiim ah iyo xarumo kale oo ku yaalla caasimadda Niamey, iyadoo xustay inay ururisay caddeymo buuxa oo ay dacwaddan ugu gudbin karto maxkamadaha caalamiga ah.

Kooxo isugu jira ciidamo gadoodsan ayaa 29-kii bishii Agoosto weerar xooggan ku qaaday garoonka diyaaradaha iyo xarunta madaxtooyada ee Niger, iyadoo dhanka kalena jugta qaraxyo iyo is-rasaaseyn laga maqlay saldhig milateri oo ku yaalla caasimadda.

Taliska ciidamada Niger ayaa markii dambe xaqiijiyay inay dib ula wareegeen gacan-ku-haynta iyo maamulka saldhiggaas.

Golaha Wasiirrada ee Niger ayaa maalintii Jimcaha shaaca ka qaaday in weerarkaas ay dabada riixaysay shabakad ballaaran oo ka kooban gacan-saarayaal, taas oo xukuumaddu ay ku eedeysay inuu Faransiisku garwadeen ka ahaa.

“Caddeymo faro badan ayaa laga ururiyay dhacdadan, Niger-na waxay xaq u leedahay inay galkaan dacwadeed horgeyso caddaaladda caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan rasmi ah oo ay dowladdu ka sii deysay telefishinka qaranka.

Xukuumaddu ma aysan bixin tafaasiil intaas dhaafsiisan oo ku aaddan nooca caddeymaha ay heshay, halka dowladda Faransiiskuna aysan wali jawaab degdeg ah ka bixin eedeymahan loo jeediyay.

Weerarkan ayaa banaanka soo dhigay kala-qeybsanaan iyo xiisad ka dhex aloosan laamaha ammaanka ee Niger, xilli dalkaasi uu weli la tacaalayo xaalado siyaasadeed iyo kuwo amni oo aad u cakiran tan iyo markii uu milaterigu talada dalka xoogga kula wareegay.

Madaxweynaha Niger, Jeneraal Cabdiraxmaan Tiani, ayaa horay dowladda Faransiiska iyo xubno ka mid ah waddamada Galbeedka Afrika ugu eedeeyay inay maalgelinayaan qalalaase iyo kadeed ka dillaaca dalkaas.

XIGASHO:AFP