| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo Furay Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026
RW Ku-xigeenka Labaad Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa si rasmi ah u furay Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya 2026, isagoo adkeeyay doorka muhiimka ah ee warbaahintu ku leedahay dawlad-dhiska, dimuqraadiyadda iyo horumarka
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo Furay Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo Furay Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 / SONNA

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Isniintii si rasmi ah u furay shirweynaha labaad ee Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya 2026 (SCF2026), oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Jibriil ayaa tilmaamay muhiimadda ay warbaahintu u leedahay dawlad-dhiska, dimuqraadiyadda iyo horumarka qaranka, isagoo xusay in waaxda warbaahinta Soomaaliya ay sannadihii u dambeeyay sameysay isbeddello waaweyn iyo horumar la taaban karo.

Waxa uu tilmaamay kobaca warbaahinta casriga ah, horumarka laga sameeyay soo saarista nuxurka, kororka isticmaalka baraha bulshada iyo soo bixitaanka jiil cusub oo saxafiyiin iyo xirfadlayaal hal-abuur leh, kuwaas oo ka mid ah horumarrada muhiimka ah ee waaxda.

“Warbaahintu waa tiir muhiim u ah dawlad-dhiska, dimuqraadiyadda iyo horumarka qaranka. Warbaahin xor ah, xirfad leh oo lagu kalsoonaan karo waxay bulshada siisaa macluumaad sax ah, waxay xoojisaa isla xisaabtanka, waxayna dhistaa kalsoonida u dhexeysa Dowladda iyo shacabka,” ayuu yiri Jibriil.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa bogaadiyay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, iyo guddiga qabanqaabada madasha, isagoo ka qaybgalayaasha ku boorriyay inay xaqiijiyaan in doodaha iyo fikradaha ka dhasha madashu ay horseedaan talooyin wax-ku-ool ah iyo tallaabooyin lagu horumarinayo waaxda warbaahinta Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA