| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay magacyada horjoogayaal lagu dilay Gobolka Bay
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu xusay in howlgalkan ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan guutada Kumaandooska ee Danab
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay magacyada horjoogayaal lagu dilay Gobolka Bay
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi / Others

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo 4-tii Sebtembar ay ciidamada dowladda ka fuliyeen deegaanka Buula-Fulaay ee Gobolka Bay, kaas oo lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu xusay in howlgalkan ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan guutada Kumaandooska ee Danab. Sagaal (9) ka mid ah xubnaha la dilay ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen ilaaladii gaarka ahayd ee la socotay horjoogayaasha kooxda.

Wasaaradda ayaa soo bandhigtay magacyada iyo xilalka shan horjooge oo sare oo howlgalka lagu dilay, kuwaas oo kala ah:

  • Bishaar Maxamed Muqtaar (Sheekh Bishaar): Wuxuu ahaa qaadiga Al-Shabaab ee gobolka Gedo, isagoo horay xilal noocan ah uga soo qabtay gobollada Bay iyo Shabeellaha Hoose. Wuxuu door weyn ku lahaa fulinta xukunno sharci-darro ah iyo cabsi-gelinta shacabka.

  • Cali Nuur Maxamed Idiris: Wuxuu ahaa sargaal hoggaaminayay cutubyo dagaal, kana mid ahaa saraakiisha ugu sarreysa maleeshiyaadka Gobolka Bay. Wuxuu qayb ka ahaa abaabulka iyo fulinta weerarro dhowr ah oo lagu qaaday magaalada Baydhabo.

  • Xuseen Xasan Daahir (Lahelow): Wuxuu kooxda u qaabilsanaa hoggaaminta iyo isku-dubbaridka dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka hubaysan ee Gobolka Bay.

  • Nuur Cabdullaahi Xaashi (Sudeysi): Wuxuu ahaa madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee Gobolka Bay.

  • Cumar Xasan Xuseen: Wuxuu isna ka tirsanaa shabakadaha fuliya qaraxyada ee kooxda.

Dhanka kale, howlgalka waxaa lagu dhaawacay horjoogayaal kale oo muhiim ah, kuwaas oo ay kamid yihiin Jacfar Abuu Xamsa, oo lagu tilmaamay madaxii Al-Shabaab ee Gobolka Bay, iyo Xasan Ibraahim, oo ka tirsanaa waaxda maaliyadda iyo ururinta dhaqaalaha ee kooxda.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa howlgalkan ku sifeysay mid wiiqay awooddii hoggaamineed iyo tii abaabul ee Al-Shabaab ee Gobolka Bay, gaar ahaan shabakadaha qaraxyada. Waxayna dowladda Soomaaliya ku celisay in Ciidanka Xoogga Dalka ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah horjoogayaasha iyo dagaalyahannada kooxda, si loo daciifiyo awooddooda loona soo celiyo amniga dalka.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Wasiirka Warfaafinta oo Ka Hadlay Horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo Tayeynta Saxafiyiinta
Soomaaliya oo Ka Qaybqaadatay Shirarka Wasiirrada Jaamacadda Carabta ee Qaahira
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo Furay Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026
Seyga Madaxweynaha Tansaaniya oo geeriyooday xilli uu ku jirey isbitaal lagu dabiibayey
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Booqday Taliska Gorgor ee Muqdisho
Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Waxbarashada
Ku Dhawaad 1,700 Qof oo Amni-darro uga Barakacay Blue Nile ee Suudaan: IOM
RW Xamza oo la Kumay Wafdi OIC ayaa Kala Hadlay Xoojinta Iskaashiga iyo Taageerada Soomaaliya
Wasaaradda Gaadiidka & Duulista oo Dib u Eegtay Qorshayaasha Casriyeynta Duulista iyo Gaadiidka
Muqdisho: Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 oo Maanta Furmay
Niger oo Faransiiska ku eedeysay inuu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay
Deynta dhalinyarada Mareykanka oo laga cafiyo si ay uga dagaalamaan Iiraan: Wargeys Israa’iili ah
Iiraan oo u wareegayso weerarro ka-hortag ah, iyo Maraykanka oo cunaqabateyn cusub soo rogay
Turkiga oo cambaareeyay tallaabooyinka Israa’iil ee Falastiin, Suuriya iyo Lubnaan
Midowga Yurub oo diiday isbeddel lagu sameeyo bulshada iyo dhulka Qaza
Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo sahayda & maalgelinta Xuutiyiinta
MW Masar iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Adkeeyay Baahida loo Qabo in la Dejiyo Xiisadaha Gobolka
Masar oo Cusbooneysiisay Xiriirrada ay la Leedahay Soomaaliya iyo Yemen si loo Sii Daayo Badmaaxiin
RSF oo Koonfurta Kordofan ku Weerartay Kolonyo Gargaar oo Qaramada Midoobay ah
Jabuuti: Mas’uul Dowladda ka Tirsan oo Ku Baaqay In Af-Soomaaligu Meel Ku Yeesho Garaad Gacmeedka