Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa Arbacadii xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle.
Kulanka oo ahaa mid isbarasho iyo soo dhaweyn ah, ayaa labada dhinac waxay kaga wada hadleen xiriirka walaaltinimo iyo midka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga iyo wax wada qabsiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
XIGASHO:SONNA























