Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Axaddii si rasmi ah u daah-furay Habraaca Qaran ee Daryeelka Dhallaanka, kaas oo looga gol leeyahay in la mideeyo adeegyada daryeelka caafimaad ee dhallaanka ee xarumaha caafimaadka dalka oo dhan.
Munaasabadda daah-furka waxaa ka qaybgalay Wasiiru-dawlaha Caafimaadka, Dr. Maryan Maxamed Xuseen, agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, bahwadaagta caafimaadka oo ay ka mid yihiin WHO iyo UNICEF, ururrada bulshada rayidka ah sida Save the Children, jaamacadaha iyo xirfadlayaasha caafimaadka.
Habraacu wuxuu Soomaaliya siinayaa hannaan qaran oo mideysan, kuna saleysan caddeymo cilmiyeed, kaas oo hagaya dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha, umulisooyinka iyo shaqaalaha kale ee caafimaadka si ay dhallaanka dalka oo dhan u siiyaan daryeel tayo leh oo isku mid ah.
Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay dardargelinta dadaallada lagu yareynayo sababaha laga hortagi karo ee keena dhimashada dhallaanka, gaar ahaan 28-da maalmood ee ugu horreeya noloshooda, iyo xaqiijinta in ilmo kasta oo Soomaaliyeed uu helo daryeel caafimaad oo tayo leh laga bilaabo marka uu dhasho.
Daah-furka habraacan ayaa tallaabo muhiim ah u ah horumarinta adeegyada daryeelka dhallaanka. Wasaaraddu waxay diiradda saari doontaa hirgelinta habraaca, tababarka shaqaalaha caafimaadka iyo xaqiijinta in si wax-ku-ool ah looga isticmaalo xarumaha caafimaadka ee dalka oo dhan.














