Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka Soomaaliya, Dr. Maryan Qasim, ayaa Talaadadii xarunta Guddiga ee Muqdisho ku qaabishay Tom Haeck, Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska OHCHR ee Dalalka Bariga Afrika.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR), gaar ahaan taageerada farsamo iyo dhismaha awoodda hay’adeed.
Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu soo qaaday horumarinta hay’adeed iyo mudnaanta hawlgalka, si Guddiga looga taageero inuu si wax-ku-ool ah oo madax-bannaan u guto waajibaadkiisa.
Iskaashiga labada dhinac ayaa looga gol leeyahay xoojinta dadaallada lagu horumarinayo laguna ilaalinayo xuquuqda aadanaha guud ahaan Soomaaliya, iyadoo la raacayo Mabaadi’da Paris.























