| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Koonfur Afrika: Ugu yaraan 11 qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday KwaZulu-Natal
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Koonfur Afrika ay la tacaalayso dilal aad u badan, iyadoo celcelis ahaan maalin kasta dalka lagu dilo ku dhawaad 60 qof.
Koonfur Afrika: Ugu yaraan 11 qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday KwaZulu-Natal
Koonfur Afrika ayaa la tacaalaysa dilal aad u badan, iyadoo celcelis ahaan maalin kasta dalka lagu dilo ku dhawaad 60 qof. / Reuters Archive

Dabley hubeysan ayaa 11 qof ku dilay, saddex kalena ku dhaawacay weerar habeenkii ka dhacay guri ku yaalla gobolka KwaZulu-Natal ee bariga Koonfur Afrika.

Shabakadda wararka ee eNCA ayaa sheegtay in weerarku ka dhacay xaafadda KwaMakhutha, oo koonfur ka xigta magaalada Durban, wax yar ka hor 11-kii habeenimo ee Talaadadii.

Dadka la dilay waxaa ka mid ahayd haweeney uur leh.

Dhibbanayaasha ayaa guriga ku sugnaa markii dabley aan la aqoonsan ay gudaha u galeen, kadibna rasaas ku fureen.

Toban qof ayaa goobta ku dhintay, halka qof kale uu markii dambe dhaawacii soo gaaray ugu geeriyooday isbitaalka.

Dableyda ayaa sidoo kale dab qabadsiiyay gaari uu lahaa milkiilaha guriga ka hor inta aysan goobta ka baxsan.

Booliska ayaan weli shaacin sababta ka dambeysay weerarka, mana jirto cid ilaa hadda loo soo xiray. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu la koray qaar ka mid ah dhibbanayaasha.

“Waa arrin naxdin iyo murugo leh... Nolosheyda oo dhan halkan ayaan deganaa, waligayna ma arag wax sidan oo kale ah,” ayuu yiri.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Koonfur Afrika ay la tacaalayso dilal aad u badan, iyadoo celcelis ahaan maalin kasta dalka lagu dilo ku dhawaad 60 qof. Koonfur Afrika waxaa ku nool dad lagu qiyaaso 62 milyan.

Hubka sharciyeysan iyo kan sharci-darrada ah ayaa si weyn ugu baahsan Koonfur Afrika, waxaana dalka ka dhaca toogashooyin lala xiriiriyo kooxaha burcadda ah iyo murannada ka dhasha ganacsiyada sharci-darrada ah.

Bishii Maarso, dowladda ayaa ciidamo milateri ah geysay deegaannada ay rabshadaha iyo dambiyada hubeysan ku badan yihiin si ay booliska uga taageeraan sugidda amniga.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa dambiyada hubeysan ku tilmaamay mid ka mid ah khataraha waaweyn ee dalka wajahaya.

 

XIGASHO:AFP, AFP
Raadi Warar Kale
Wasiirka Warfaafinta oo la Kulmay Guddiga Warfaafinta ee Golaha Shacabka
Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga garsoorka iyo horumarinta sharciga
Masar oo Sheegtay in Kanaalka Suweys uu Ammaan Yahay, Isu Socodka Maraakiibtuna Caadi Kusoo Noqday
Militariga Suudaan oo Horusocod ka Sameeyay Blue Nile Kaddib Dagaalo uu la Galay RSF iyo Xulafadeeda
Guddoomiyaha SoDMA oo Baydhabo ku Guddoomiyay Kulan ku Saabsan U Diyaar-garowga Super El Niño 2026
Soomaaliya oo ka Qaybgalaysa Tababarka Saddexaad ee Farsamada iyo Habraacyada Hubinta Aqoonsiga
SoDMA iyo UNFPA oo ka Wada Hadlay Xoojinta U Diyaar-garowga Musiibooyinka iyo Gurmadka Degdegga ah
Guddiga Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khataraha Musiibooyinka oo Kulan ku Yeeshay Muqdisho
SoDMA oo Qabatay Kulan Lagu Xoojinayo Isla Xisaabtanka Gargaarka Bani’aadannimo
NISA oo Hawlgal ka Dhacay Shabeellaha Dhexe ku Dishay Horjooge Al-Shabaab ah iyo Saddex Maleeshiyaad
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la Kulmay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha SoDMA oo BFS ka Warbixiyay Diyaar-garowga Musiibooyinka
Militariga Suudaan oo La Wareegay Deegaanno ku yaalla Waqooyiga iyo Koonfurta Kordofan: Ilo Milatari
Wasiirka Gaashaandhigga JFS oo ka qeybgalay Madasha 13-aad ee Beijing Xiangshan
67 Qof oo ku Dhintay Goob Dahabka Laga Qodo oo ku Dumay Galbeedka Kordofan ee Suudaan
NIMCA oo Johannesburg ku Soo Gabagabeysay Shirweynaheedii, Soomaaliya oo Xubin Cusub Noqotay
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo Baydhabo ku Kormeeray Ciidamo Tababar Dhammaystay
Maamulka Gobolka Banaadir oo Digniin ka Soo Saaray Super El Niño, Xilli Roobab Xooggan ay Da’ayaan
Soomaaliya oo Bulshada ugu Baaqday inay U Diyaar-garoobaan Saameynta Suurtagalka ah ee Super El Niño
Soomaaliya oo Soo Bandhigtay Warbixinta Dhaqaalaha 2025, Xilli Dakhliga Guduhu Kordhay