Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa Isniintii la kulmay Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta Dadweynaha, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshe-hawleedka Wasaaradda, sharciyada iyo xeerarka la diyaarinayo, qorshayaasha lagu casriyeynayo laguna ballaarinayo Warbaahinta Qaranka iyo dhinacyada kale ee mudnaanta u leh shaqada Wasaaradda.
Guddoomiyaha Guddiga, Mawliid Cabdi Maxamuud Axmed, oo ay weheliyeen Guddoomiye Ku-xigeenka, Xoghayaha iyo xubnaha Guddiga, ayaa bogaadiyay shaqada Wasaaradda, waxayna adkeeyeen muhiimadda iskaashiga Wasaaradda iyo Guddiga. Wasiir Cabdifataax ayaa Guddiga warbixin ka siiyay hawlaha iyo qorshayaasha Wasaaradda, wuxuuna Golaha Shacabka uga mahadceliyay iskaashiga joogtada ah ee uu la leeyahay Wasaaradda.
Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdullaahi Xayir Ducaale; Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Naasir Xasan Xuseen; Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Maxamed Kaafi Sheekh Abukar; Agaasimaha Istaraatiijiyadda, Cabdishakuur Cali Axmed; iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Wasiirka, Yuusuf Cali Maxamed.






















