| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga garsoorka iyo horumarinta sharciga
Wada-hadallada ayaa si gaar ah loogu lafa-guray qorshayaasha horumarinta hay’adaha caddaaladda, casriyeynta adeegyada garsoorka, tayeynta shaqaalaha, iyo is-weydaarsiga khibradaha.
Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga garsoorka iyo horumarinta sharciga
Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga garsoorka iyo horumarinta sharciga

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa magaalada Doha kula kulmay dhiggiisa dalka Qatar, Wasiirka Caddaaladda ahna Wasiiru-dowlaha Arrimaha Golaha Wasiirrada, Ibraahim bin Cali Al-Muhannadi.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah ee dhinacyada sharciga iyo caddaaladda. Wasiirrada ayaa isla meel-dhigay muhiimadda ay leedahay in dib loo dardargeliyo heshiis is-afgarad (MoU) oo labada dal ay hore u kala saxiixdeen, kaas oo salka ku haya iskaashiga dhinaca sharciga.

Wada-hadallada ayaa si gaar ah loogu lafa-guray qorshayaasha horumarinta hay’adaha caddaaladda, casriyeynta adeegyada garsoorka, tayeynta shaqaalaha, iyo is-weydaarsiga khibradaha.

Sidoo kale, dhinacyada ayaa ka wada-hadlay ballaarinta wada-shaqeynta u dhexaysa Xarunta Daraasaadka Sharciga iyo Garsoorka ee dowladda Qatar iyo Machadka Tababarka Garsoorka ee Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday, Wasiir Xasan Macallin ayaa xukuumadda Doha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Wasiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay garab-istaagga buuxa ee dowladda Soomaaliya ay u muujinayso Qatar, xilligan ay gobolka Bariga Dhexe ka jiraan duruufo siyaasadeed oo xasaasi ah.

Gabagabadii, labada mas’uul ayaa isku raacay in la amba-qaado kulamo wada-tashi oo dhinaca farsamada ah, si loo hirgeliyo barnaamijyo iskaashi oo wax-ku-ool ah, loona sii adkeeyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Raadi Warar Kale
SoDMA oo Qabatay Kulan Lagu Xoojinayo Isla Xisaabtanka Gargaarka Bani’aadannimo
NISA oo Hawlgal ka Dhacay Shabeellaha Dhexe ku Dishay Horjooge Al-Shabaab ah iyo Saddex Maleeshiyaad
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la Kulmay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha SoDMA oo BFS ka Warbixiyay Diyaar-garowga Musiibooyinka
Militariga Suudaan oo La Wareegay Deegaanno ku yaalla Waqooyiga iyo Koonfurta Kordofan: Ilo Milatari
Wasiirka Gaashaandhigga JFS oo ka qeybgalay Madasha 13-aad ee Beijing Xiangshan
67 Qof oo ku Dhintay Goob Dahabka Laga Qodo oo ku Dumay Galbeedka Kordofan ee Suudaan
NIMCA oo Johannesburg ku Soo Gabagabeysay Shirweynaheedii, Soomaaliya oo Xubin Cusub Noqotay
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo Baydhabo ku Kormeeray Ciidamo Tababar Dhammaystay
Maamulka Gobolka Banaadir oo Digniin ka Soo Saaray Super El Niño, Xilli Roobab Xooggan ay Da’ayaan
Soomaaliya oo Bulshada ugu Baaqday inay U Diyaar-garoobaan Saameynta Suurtagalka ah ee Super El Niño
Soomaaliya oo Soo Bandhigtay Warbixinta Dhaqaalaha 2025, Xilli Dakhliga Guduhu Kordhay
Turkiga iyo dalal kale oo cambaareeyay weerarkii Xuutiyiinta ee Makka
Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Gaaray Qaahira, Lana Kulmay Madaxweynaha Masar
Wasiirka Awqaafta oo ka Qaybgalaya Shir Caalami ah oo ka Dhacaya Mauritania
Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya iyo OHCHR oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga
Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga oo Qaabilay Wafdi ka Socda Xarunta La-dagaallanka Argagixisada ee AU
NISA oo Burburisay Shabakado Al-Shabaab ah, 11 Xubnoodna ku Qabatay Muqdisho
Soomaaliya: Kumannaan isu soo baxay si ay u taageeraan iskaashiga istiraatiijiga ah ee Turkiga
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeeray Fariisimaha Ciidamada ee Jiidda Hore ee Baydhabo