| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Guddoomiyaha SoDMA oo Baydhabo ku Guddoomiyay Kulan ku Saabsan U Diyaar-garowga Super El Niño 2026
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin, iyo Wasiirrada Koonfur Galbeed ayaa Baydhabo kulan la yeeshay bah-wadaagta bani’aadannimada iyo gurmadka degdegga ah, si looga arrinsado u diyaar-garowga Super El Niño 2026.
Guddoomiyaha SoDMA oo Baydhabo ku Guddoomiyay Kulan ku Saabsan U Diyaar-garowga Super El Niño 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo Baydhabo ku Guddoomiyay Kulan ku Saabsan U Diyaar-garowga Super El Niño 2026 / SONNA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin, oo ay weheliyaan Wasiirrada Dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Maareynta Musiibooyinka iyo kan Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, ayaa Baydhabo ku guddoomiyay kulan degdeg ah oo ay la yeesheen bah-wadaagta bani’aadannimada iyo gurmadka degdegga ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray u diyaar-garowga Super El Niño 2026, gaar ahaan khataraha roobabka xooggan iyo fatahaadaha, iyo tallaabooyinka hore ee lagu yareynayo saameyntooda.

Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu soo qaaday xoojinta isku-duwidda hawlaha bani’aadannimada, qorsheynta gurmadka degdegga ah iyo mudnaan-siinta bulshooyinka ku nool deegaannada khatarta sare leh.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa adkeeyay muhiimadda digniinaha hore, wacyigelinta bulshada iyo iskaashi dhow oo dhex mara hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta bani’aadannimada, si loo yareeyo saameynta suurtagalka ah ee Super El Niño 2026.

XIGASHO:SONNA